|

Buuro aad u waaweyn oo Dhoobo ah oo Galaaftay Nolosha Dad aad u tiro badan & Cabsida ka taagan Caasimada Sierra Leone ee Free Town

Free Town 16. August 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxaya caasimada Free Town ee dalka Sierra Leone ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay deegaanka Shugar Luuf ay korodhay, iyadoo gaadhay 312 qof ka dib markii Buur dhoobo ahi ku soo rogmatay deegaankaasi maalintii shalay.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Laan-Qayrta cas oo ku sugan Free Town Mr: Batrig, ayaa sheegay in kooxaha gurmadku ku qodayaan dhoobada gacmahooda si ay u helaan dad nool mba mayd ah, isagoo ku tilmaamay in badbaadintu fashilan tahay hadii aan qalab wax lagu faago la haynin.

 

Mr: Batrig waxa uu intaasi ku daray in ilaa 2000 oo guri ay dhoobadani aastay taas oo ay ilaa 5000 oo qof u baahan yihiin gargaar deg-dega oo ay ugu horayso hoy ay ka galaan roobabkan xad dhaafka ah ee Buuraha ka dhigaya dhoobo rogmanaysa.

Comments are closed