Buuq ka dhashay dastuurka oo hareeyay baarlamaanka Khaatumo
Laascaanood (QJ) – Qas iyo Buuq iyo Buuq iyo Buuq iyo Buuq iyo Buuq ka dhex bilowday Shirka Golaha Wakiilada SSC Khaatumo ayaa la soo bandhigay Mooshin lagu dhisayo Maamulkaasi.
Kalfadhiga waxaa soo xaadiray 35 xubnood oo isugu jira Mucaarad iyo Xildhibaano la safan Xukuumadda.
Dood kulul iyo buuq ka dhashay kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka SSC Khaatumo waxa uu ku gacan seyray mooshinkii lagu doonayay in lagu sameeyo Dastuur cusub oo ay soo jeediyeen Xildhibaanada taageersan Xukuumada. Go’aankani wuxuu horseeday khalkhal hor leh oo golaha dhexdiisa ah.
Dastuurka cusub ee la soo bandhigay ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu bedelo Axdigii lagu dhisay Maamulka SSC ee Khaatumo oo ay mucaaradad kala kulmeen Madaxweyne ku xigeenka SSC, Xildhibaano badan iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah oo taas bedelkeeda ku baaqay in la qabto shirweyne beeleed.
Gudoomiyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in Mooshinkaasi uusan waafaqsanayn Axdigii dhidibada u taagay Maamulka SSC Khaatumo, waxa uuna carabka ku dhuftay in Baarlamaanku ay ka go’an tahay ilaalinta Axdiga iyo ilaalinta go’aanadii hore ee ku saabsanaa aayaha deegaanka.
“Dastuurku waa inuu ka tarjumayaa rabitaanka shacabka iyo axdigii lagu aasaasay ee SSC Khaatumo ay horay u ansixiyeen, mooshinkan cusub wuxuu ka hor imaanayaa heshiisyadii hore, mana ogolaaneyno in la duudsiyo xuquuqda dadkeena” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.