Buuq iyo Qaylo Hadhaysay Kulankii Wasiirada Warfafinta carbeed, sababtu maxay ahayd!!
Baxrayn 14. July 2017 (SDN/QJ):- Muran iyo qaylo ka bilaabatay wax ka sheega Telefishinka Aljasiira ayaa Dalalka Khaliijka ku dhexmaray shirka Wasiirada Warfaafinta ee Dalalka carabta oo ka dhacay xarunta jaamacadda carabta ee Magaalada Qaahira, ka dib markii Wasiirada wasaaradaha warfaafinta ee Sucuudiga iyo Baxrayn ay ku sifeeyeen kanaalka al-jaseera mid faafiya sharka iyo fidmada, halkii wakiilkii ka socday dawlada Qatar-na uu ku tilmaamay Telefishinka Aljaseera mid faafiya runta oo ah shay ay neceb yihiin madaxda carabtu.
Wasiirka warfaafinta Boqortooyada sucuudiga Cuwaad Al-Cuwaad oo ka hadlayey kulanka 48-aad ee wasiirada warfaafinta carbeed ayaa waxa uu sheegay in telefishinka Aljaseera uu qaabilsan yahay faafinta fidmada iyo dhiirigelinta argagixisada.
Dhankiisana Wakiilka dawlada Qatar u metelayey kulankaasi Seef Bin Muqadam oo sidoo kale ah wakiilka Qatar u fadhiya jaamacada carabta ayaa waxa uu sheegay in Telefishinka Aljaseera yahay mid faafiya xaqiiqada iyo runta oo ah shay ay aad u neceb yihiin madaxda carabta qaarkeed, isagoo intaa raaciyey in shucuubta carabta ay sida cadceeda oo kale uga dheregsan yihiin kaalinta muhiimka ah ee uu ugu jiro telefishinka Aljaseera.
Buuq ka dhashay hadalka mas’uuliyiintii sucuudiga iyo Baxrayn ee shirka ka hadlay ayaa keenay in muddo kooban habsami u socodkii shirku uu istaago, iyadoo ergayga dawlada qatar metelayayna uu isku deyay inuu hadalka qaato intii aanu fursada siinin Shir gdoonka shirka oo ahaa wasiirka warfaafinta ee dalka tunis.