|

Buundo muhiimka ah oo ku taala jidka isku xidha wajaale iyo kalabaydh oo laba cisho go’an iyo dhibta haysta Gaadiidka Buundadaasi isticmaala

Wajaale, 11 April, 2016-(SDN/QJ): – Iyada oo hadda uun roobkii cirku Somaliland ka hooray ayaa waxa durba roob mahiigaan ah oo ka da’ay deegaamo ka tirsan Gobolka Gabiley iyo Awdal ay khasaare maal iyo mood lehba u gaysteen dadka Deegaanka,waxa sidoo kale Mudo laba cisho ahba go’an Buundo mihiim ah oo isku xidha Magaalooyinka Wajaale iyo Kalabaydh taasi oo ay Alaabo ganacsi oo aad u badan iskaga gudbaan.

BUUNDOGanacsato ku sugan Magaalada Wajaale ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay khasaare roobkii ugu dambeeyay u gaystay Buundadan oo kutaala badhtamaha Banka Wajaale islamarkaana mihiim u ah Wakhti roobaadka isku Socodka Wajaale iyo Magaalada Kalabaydh oo uu kuyaalo kastamka ugu wayn ee Qaadka Itoobiya ka yimaada lagu cashuuro,waxa kale oo ay Boondadani mihiim u tahay Isku Xidhka Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale iyo Dalka Intiisa kale,sida Alaabaha uga soo dega Dekedaha Dalka ee Berbera iyo Saylac,Waxaanay ganacsatadani Wargeyska Foore la soo xidhiidhay u sheegeen inaan wali wax dhaq dhaqaaq ah oo lagu dayactirayaa ka socon islamarkaana ay Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay Qaylo dhaanta Buundadaasi la gaadhsiiyay ay wali ka gabanayaan oo ay ku halaynayaan Wasaaradda Hawlaha Guud oo Dayactirka Jidkaasi waajibka ka saaran yahay.

Dad ku sugan Magaalada Kalaydh oo uu ku yaalo Kastamka ugu Weyn ee Lagu cashuuro Qaadka Itoobiya ka yimaada,ayaa nooga waramaya dhibaatada labadii cisho ee u dambeeyay ka taagnaa Boondadaasi waxaanay noo sheegeen in Habeen hore saqdii dhexe Xaajiyad qaad siday ka duushay islamarkaana ay dad weynaha Reer Kalabaydh dirqi ku badbaadiyeen. Waxa gabi ahaanba Go’doon ku jirta Magaalo ganacsiyeedka Wajaale oo gaadiidkii Alaabta u siday ganacsatadu ay labadii Caano maal ee u dambeeyay ay tubnaayeen Inta u dhexaysa Magaalada Kalabaydh Iyo halka ay buundadaasi ka go’ay oo ah badhtamaha Banka Wajaale.

Buundadan go’day ayaa waxa ka gudba Biyo aad u xoog badan oo ka soo rogmada meelo aad uga durugsan Banka Wajaale,waxaana marka uu roobku da’o xidhma Jidadkii kale ee Rafka ahaa ee buundadaasi hareeraraha ka marayay,waanay adag tahay in Wakhti roobaadka la helo jidka kale oo bundadaasi ka baxsan iyadoo dhulku aad u jilicsan yahay islamarkaana gaadiidku si dhibyar u Quuso carrada.

Xigasho Wargayska Foore

Comments are closed