Buuhoodle oo ay Isugu Tageen Somaliland,Punt land iyo Somalia iyo Wasiir Xaglo Toosiye oo Digniin adag ku dhawaaqay DAAWO
Buuhoodle 15.Jan 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Wafdiga ayaa ka qaybgalaya xaflad lagu caleemasaarayo Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo lagu wado inay Buuhoodle ka dhacdo barri oo Khamiis ah.
Wafuud ka kala socota maamulka Somaliland iyo dhulka is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo iyaguna ka qaybgalaya caleemasaarka garaadka ayaa horay ugu sugnaa Buhoodle.
Wafdi ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya oo isaguna ka qaybgalaya caleemasaarka garaad Cabdirisaaq ayaa lagu wadaa inuu soocadaha soo aaddan gaaro degmadaas.
Wufuud ka Tirsan Dawlada Somaliland ayaa Weli ku sii Qul qulaya Magaalada Buuhoodle iyadoo ay Maanta halkaa gaadheen Xubno ay ka mid yihiin Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir ku xigeenada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta iyadoo maalintii shalayna ay deegaankaasi gaadheen Wefti balaadhan oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaankaasi isla markaana hor kacayay Weftiga Somaliland ee tagay Magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Weftigoodu aanayt u Socon Arrin Siyaasadeed waxaanu Digniin u diray Siyaasiyiinta isugu Yimid Magaalada Buuhoodle oo uu sheegay in aanay ogolaanayn arrimo Siyaasadeed in lagu soo qaado.