|

“Buuhoodle Kama Degi Karto Diyaarad Aan Puntland Fasaxin,Buuhoodle-na Waa Deegaan”Madaxweyne ku-xigeenka Puntland DAAWO

Garowe 21. April 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya mas’uuliyiinta maamulka goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Camey uu si cad u sheegey In magaalada Buuhoodle ay xukunto maamulka Puntland isla markaana aaney madaarka magaaladaasi ka soo degi karin diyaarad ogolaansho ka heysanin maamulka Puntland.Mr.Camey ayaa waxaa uu yidhi”Buuhoodle kama dagi karto Diyaarad aan Puntland fasaxin,Buuhoodle-na waa deegaan Soomaaliyeed oo ka tirsan dawlada fadaraalka ah ee Somaliya.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Camey

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Mr Camey oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deeganada Buuhoodle ayaa waxaa hadalkiisani ku soo beegmi xilli maalintii shalay aheyd Buuhoodle ka soo degeen wefti ka socda dalka Mareykanka oo caawimo u sidey isla markaana uu Cali Khaliif soo dhaweeyey.

Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadlin hadalladan ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Comments are closed