|

Buuga Halgan Iyo Hagar Daamo ee C.laahi Yuusuf Qoray ,Ka Soo Bixistii Xabsiga Itoobiya Iyo Xaaladii Halgankiisa

Hargaysa 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kolkii ay maydkii dibada u soo saareen, Itoobiyaanku waxay u yeedheen dadkayagii magaalada joogay, kuwaas oo ay ku yidhaahdeen ‘’ninkani waa is diley qaata maydkiisa oo xabaasha’’. Dadkii aadbuu uga naxay oo waxaa xataa shaki galay aqoonsigiisii, oo maydka loo wareejiyay dadku wuxuu ahaa lafo iyo maqaar kaliya.

cabdilaahi-yuusufKA SOO BIXII XABBISKA ITOOBIYA 28-kii MAY 1991

Siyaad Barre dhicidiisii afar bilood ka dib, ayaa Mingistu xukunkiii laga tuuray, Addis Ababa waxaa damaashaad ku soo galay jabhidihii is bahaystay ee mingistu riday, jabhadaas waxaa hogaaminayay Tigreyga sida kii Siyaad Barre, ciidankii Mingistu wuu kala yaacay, maxaabiistii ila xidhnayd galabtii ayaa irdaha laga furay, qaybtaydiina keligay baa habeenkii ku baryay.

Subaxnimadii ayaa qaar ka mid ah askartii firxadka ahayd waxay soo gaadheen xabsigii aan ku jirey, dabadeedna waxay iga fureen iridii aan ku jirey si ay u bililiqaystaan, sarkaal ka mid ah ciidanka firxadka ah oo gaashaanle ah ayaa markii uu ogaaday in aan ahay hogaamiyihii SSDF damcay in uu I dilo balse nasiib wanaag waxaa is hortaagay Janan Wasihun oo mudo dheer meesha ku xidhnaa horena taliye uga ahaa ciidanka taangiyada ee xukuumadii Mingistu, dalka maraykankana wax ku soo bartay, markii in ay dilaan ilaahay iga badbaadiyey dharkaygii bay baadheen oo waxay hore u qaateen dhawr shay oo ka mid ahaa iyo konton doolar oo jeebka iigu jirtay.

Xabadii uo magaalada ka socota ayaan iskay iskaga soo baxay xabsigii, ma aanan garanayn meel aan wajiga saaro, caafimaadkaygu wuu wanaagsanaa, mooraalkayguna waa uu sareeyay, oo mar hadii uu Ilaahay iga soo saaray meeshii balada ahayd waxaan aaminsanaa in aanan waxba waayayn, markii aan fekeray waxaan ku tashaday in aan u lugeeyo Ras Hotel oo ahayd meeshii ay waagii hore soomaalidu isugu iman jirtay, waxaan soo lugeeyay 8km, huteelkiina waxaan soo gaadhay anigoo tabar daro iyo itaal yari iyo waliba daal liic liicaya, nasiib wanaag markii aan albaabka huteelka soo istaagayba waxaan arkay Cabdulqaadir Isbariije iyo Daahir Mire Jibriil oo labadaba laga soo saaray xabsiga Alambakha.

Waxaa huteelka si sharaf leh noogu soo dhaweeyay ninkii lahaa, kaas oo aanu hore ula lahaan jirnay macaamilo wanaagsan, wuxuu dabadeed nagu yidhi ‘’Inta ilaahay dariiq idiin bixinayo halkiinaa seexda oo cuna, lacagna haka welwelina’’, habeenkaas meeshayadii ayaanu iska seexanay, subaxdii danbe ayaan ragii ku idhi ‘’Waar meesha iskama fadhiyi karaynee aanu dalkeenii la xidhiidhno oo qaylo dhaan u dirsano’’. sida ugu fudud ee aanu qaylo dhaantayada daka ku gaadhsiin karaynay waxay ahayd, anaga oo saxaafada la xidhiidhna, Isbariije waa uu jiranaa, markaa aniga iyo daahir baa ku khasbanaanay in aanu xidhiidhkii wadno.

Waxaanu tagnay Hilton Hotel, halkaas oo aanu ka helnay ninkii wakaalda Reuters Addis Ababa u joogay markii aanu wariyaahaasi uga xog waranay buu wuxuu nagu yidhi ‘’aniga ayaa idinku soo xidhi doona laanta afsoomaaliga ee BBC ee idinku iska taga oo halkiinii ku war dhawra,, saacadu markii ay ahayd 5tii galabnimo ayaa waxaa na soo wacay qof dumar ah, waxaan weydiiyay cida ila hadlaysa, gabadhii waxay iigu jawaabtay waa Saynab Maxamed Jaamac oo BBC kaala soo hadlaysa, waxaan u sheegay in aanu meesha ku joogno saddex qof, dhawaana aanu xabbiska ka soo baxnay, aananse wali war ka hayn ragii kale ee Harar ku xidhnaa, waxaan u sheegay in aanu qaawanahay, oo aanaan lacag iyo dal ku mar midna haysan sidaas awgeed aanu u baahanahay gurmad deg deg ah.

Markii ay idaacadii sii daysay qaylo dhaantayadii waxaan habeenimadkii oo dhan ka seexan waynay taleefano badan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba nalooga soo dirayay, subaxdii danbe waxaa nalooga yeedhay xawaalad, waxaana naloo sheegay in 7kun oo doolar ay noo taal, lacagtaas oo ay noo soo direen, jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Saudi Arabia, kolkii aanu xawaaladii ka soo qaadanay lacagtii naloo soo diray, horta waanu ka arad baxnay, kharashkii huteelkana waanu iska bixinay, goortii ay naftu nagu soo noqotay waxaanu aadnay safaaradii Somalia ee Addis Ababa oo weli furnayd, safiirku wuu maqnaa waxaase joogay kaaliyayaashiisii, ragii aanu meesha ugu tagnay, waxay ahaayeen dad wanaagsan, si fiican bay noo soo dhaweeyeen, baasaabooradiina degdeg bay noogu diyaariyeen, xabsigii Harar waxaa laga soo daayay saraakiishii jabhadda SSDF ee halkaas ku xidhnayd, kuwaaas oo kala ahaa Maxamed Hoori oo ahaa taliyaha ciidanka jabhadda, Carays, Siciid dheere, saraakiil yar yar oo kale iyo mujaahidiin badan, ragaas waxaa xabbiska ka sii daayay ciidankii tigreyga ee magaalada qabsaday, weli magaalada ayaa lagu hayay naloomana keenin, waxaanse kula xidhiidhnay tilifoon.

Comments are closed