Burundi oo Dawlada Soomaaliya ku eedeysay abaal ka dhac
Muqdisho (QJ) – Burundi ayaa Soomaaliya ku eedeysay qiyaano iyo abaalkadhac, kaddib markii laga saaray liiska dalalka loo ogol yahay inay ciidamadooda u soo diraan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee nabadeynta Soomaaliya, kaasoo ku yaalla Geeska Afrika.
Howlgalkan cusub ee loo yaqaano AUSSOM ayaa bilaaban doona bisha Janaayo ee sanadka 2025, iyadoo lagu bedelayo howlgalkii hore ee Soomaaliya ee ATMIS oo la qorsheeyay inuu ku ekaado 31-ka bishan.
Burundi ayaa ka mid ahayd dalalka tirada badan ee ciidamada ka jooga ATMIS-ka, balse ciidamadooda ayaan ka qayb qaadan doonin howlgalka cusub, sababo la xiriira colaadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ku saabsan tirada ciidamada Burundi ay doonayso inay soo dirto.
Burundi ayaa codsatay in 2,000 oo askari oo dheeri ah loo diro Soomaaliya, balse Soomaaliya waxay ogolaatay kaliya 1,041 askari, taasoo keentay in Burundi ay ka baxdo AUSSOM.
Sarkaal sare oo ka tirsan Burundi ayaa u sheegay wargeyska ChimpReports ee ka soo baxa dalka Uganda in Soomaaliya ay khiyaantay.
Wuxuu yiri: “Waxaan aragnay qiyaano iyo mahad-naq la’aan ka timid Soomaaliya, inkastoo naf-hurnimada weyn aan u hurnay la dagaalanka Al-shabaab.
Waxa uu intaasi ku daray in go’aanka ay Somalia ku dalbatay tiro yar oo ciidamo ah loo arkay inay khatar ku tahay hawl-gallada waxtarka leh ee ciidamada Burundi.
Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ee ciidamada nabad ilaalinta ka jooga Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, waxaana ciidamadooda ay qeyb ka qaateen xoreynta qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab oo ay ku jirto xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.