|

Burundi oo cidamadoodii kala baxay Jowhar

Jowhar April 20, 2024(QJ)-Ciidamada Burundi ee qeybta 5-aad ee howlgalka midowgga Africa ATMIS ayaa maanta ku wareejiyay ciidamada Soomaaliya saddex saldhig oo ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle C/raxiin Ciise Cadow,Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

General Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah taliyayaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si hufan ula wareegeen fariisimihii ay ka baxeen ATMIS.

Qeybo badan oo ka mid ah dalka waxaa ka socda wajigii 3-aad ee dhimista ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Comments are closed