Burma oo ay ka bilaabatay Olole Doorasho
RangoonFeb 11,2012(qurbejoog.com)-Gabadha Xuquuqda Aadmaha u Halganta ee Dalka Barma Ms. Aung Sun su Chi, ayaa maanta Bilowday Markii u horeysay Olole ay doonayso inay kaga qayb gasho Doorasho Baarlamaan oo dalkaasi ka qabsoomi doonta Bisha Abril ee sanadkan.
Waxaana magaalada Raangoon ee dalkaasi isugu soo baxay Kumanyaal qof oo soo dhawaynaya Doorashada ay ka qayb galayso Mss.Aung Sun su Chi, iyadoo ay tahay Marxaladii ugu horaysay ee dalkaasi ugu diga roganayo Dimiqraadiyada.
Dhinaca kale qaramada Midoobey,Midowga Yurub iyo Dawlada Maraykanka,ayaa si gaar ah u eegaya Olole Doorashada dimuqraadiga ee ka bilowday dalka Barma,oo Mudo dheer ku jirtay Nidaam kali talis ah.haseyeeshee Xukuumada Dalkaasi Barma waxay Ku balan qaaday in doorashadaasi iyo Ololeheeduba si xor ah oo xalaal ah ay ugu dhici doonto dalkaas.
Qurbejoog-Raangoon