|

“Burkaba Bahal Hoose Kama Deyin” Fasiraad uu Cali Guray ka Bixiyay Heesaha Shisheeyaha loo qaado iyo Kuwa Khaatumo

Hargaysa 05.Sep 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay Heeso Guubaabo Ciidan oo Telefishanka Qaranku Si Joogto ah u baahiyay Tan iyo Markii Ciidanka qaranku gaadheen Deegaanka Saax dheer Isla markaana ka saareen Kooxdii Cali Khaliif Galaydh.

cali gurayCali Guray ayaa Qoraal uu arrintan ka qoray oo uu Ku faafiyay Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Face Booka waxa uu ku soo qaaday Kaftan dhex maray Isaga iyo Nin Somaliland ah oo ka soo Jeeda Gobolka Sool.

Qoraalka Gudoomiye Xigeenka Ucid ayaa u dhignaa Sidan:- Sida u caadada ah xukuumadan marka ay shaqaaqo yari dhex marto Ciidanka Qaranka iyo koox hubaysan oo Khaatumo ah markaaba TVga xukuumadda ayaa hees maqal iyo muuqaal ah la soo geliyaa. Ciidan gaardiyaya iyo fanaaniin dirayska ciidanka ku lebisan oo qaadaya:
DIFAACA CIIDAN QARAN
WALAAHI WAA DIGNIIN
BILAAHI WAA DARDAARAN
DALKAYGA NINKII KU DUULA
DAKHARKA AAN KU JIIDO
DIBUU U QOOMANAYNI
Heestani ma waxay ku fiican tahay in loo qaado col Somaliland dibadda kaga soo duulay oo shisheeye ah, mise in sokeeye is dilay oo dal wada lihi isu qaado? Nin Somalilander ah oo reer Sool ama khaatumo ah ayaa sheegay in uu dhibsado heestan waayo wuxu yidhi anagu dalka ayaanu idinla leenahaye hadii dibadda cid kale ka soo weerarto Somalilandna maxaydun u saari saw tan uun maaha? Isaga oo hadalkii sii wata ayuu yidhi ” waar tani anaga taayadii maahee naga bedela” Oo tee leedihiin?ayaa la waydiiyay, wuxu yidhi anagu dalkaanu idinla leenahaye waxa noo saartaan:
WADANKEENA WANAAGSANE
WALAALAYAALOW
AAN IS WEHESHANO WALAALAYAAL
AAN WADA JIRANO WALAALAYAAL
WADA JIR BAY LABA GACMOOD
WAX KU QABAN KARAANE
Wuxu intaa ku daray hadii nalaga deyn waayo Khaatumo daayoo anagaaba tegi. Umaba daban! Shaw ilayn dagaalka sokeeyaha iyo kan shisheeyaha si looguma wada heeso. Kolkaan arinka u sii gondo degay aniga laftayda ayaa is idhi waa gar eh lakiin dhego culus yaa u sheegi in dagaalka sokeeyaha iyo ka shisheeyaha aan si loogu wada heesin? Waayo waa dad aydaan kala tegi karin wax kasta oo idin dhex mara iyo dad dal kale kaaga soo duulay dan tuu doono ha ka lahaado eh.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed