Burco: Waalidiinta Dhallinyaro Lagu Laa’yey Xeebta Yemen Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay In Aanay Naxariis U Muujin, Xamarna Bogaadiyey
Burco 03. April 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay Dhallinyaro 16-ka bishii hore ee March lagu laayey Badda Yemen, ka dib markii Dooni ay ugu safrayeen Dalka Suudaan ay Duqeysay Diyaarad ah nooca Qumaatiga u kaca, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland aanay waxba ka qabanin oo aanay ka hadlin, halkaa taa beddelkeedana ay Bogaadin u direen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yemen oo ay sheegeen inay Masuuliyad iska saartay sidii loo aasi lahaa Meydadka Dhallinyaradaasi.
Hooyooyinka iyo Aabbeyaasha dhalay qaar ka mid ah 42 Dhallinyaro ah oo u badnaa Reer Somaliland oo Shalay si wada jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Burco, ayaa Dawladda Somaliland u soo jeediyey inay ka hawl-gasho sidii Dadkaa Reer Somaliland ee Xeebta Yemen lagu laayey Xaqoodii loo heli lahaa.
Mid ka mid ah Aabbeyaasha halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan ahay Inanka la yidhaahdo Cabdirashiid Cali Ibraahim Aabbihii, waxaanu Caalamka Islaamka ka codsanaynaa in Dadkaa uu Sucuudigu laa’yey wixii dhintayna Meydadkooda la aaso, wixii kalena xuquuqdoodii la noo raadiyo oo lana siiyo, waxa kale oo aanu leenahay Qaramada Midoobay Arrintaa ka hawl-gala oo ha yareysanina.”
Hooyada ka dhashay Wiil lagu Magacaabi jiray Maxamed Aadan Xaaji Cabdi oo ka mid ah Dhallinyarada ku dhintay Duqeyntaas ayaa iyaduna tidhi “Waxaanu u Mahad-celinaynaa Dadka Gacanta ku haya Arrintan oo uu ugu horeeyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen iyo Guddida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen joogta, waxaanu leenahay sidaad ugu hawlan tihiin inaad Dadkaa Warkooda heshaan waad ku Mahadsan tihiin. Waxaanu leenahay Dawladdii Somaliland kaalintii aad noogu jirteen waad gabteen, Madaxweyne illaa Heer Wasiir Hal Qof baad iskugu tagtaan oo aad aastaan, laakiin 42-ka Qof ee Doonta ku dhimatay oo in yar mooyaane wada reer Somaliland yihiin Qof ka hadlay ma jiro, Inankaygu waa Maxamed Aadan Xaaji Cabdi.”
Hooyo kale ayaa iyaduna tidhi “Anigu waxaan dhalay Inanta la yidhaahdo Salma Kayse Yuusuf, waxaanu codsanaynaa in Meydadka Dadkaa la noo aaso.”
Mid ka mid ah Aabbeyaasha Ubadkoodii ku waayey duqeynta Diyaaraddu u geysatay Doonta badhtamaha bishii hore, ayaa isaguna sheegay “Anigu waxaan dhalay oo aan Aabbo u ahaa Inanka la yidhaahdo Deeq Aadan Axmed Biixi.”ayuu yidhi.
Hooyo kale oo Shirkaa Jaraa’id ka hadashay ayaa tidhi “Waxaan dhalay Inanta la yidhaahdo Ayaan Axmed Haleeli, Dawladda Somaliland waxaanu leenahay Dadkayagii la laa’yey umaydaan kicin.”