BURCO: Dadka Inta La Sixro La Kaxaysanayo Oo Soo Badanaya Iyo Gabadh Inta Dhiigag Laga Qaaday Dib Loo Soo Celiyey Oo Warrantay Sidii Wax Ugu Dhaceen
Burco 09. March 2017 (SDN/QJ):- Waxa Magaalada Burco ku soo badanaya Dadka inta la Sixro la kaxaysanayo isla-markaana qaarkoodna la waayayo, qaarkoodna inta baadhitaan lagaga sameeyo Qaybaha jidhkooda dib loogu soo celinayo meel ku dhow halkii hore looga qaaday.
Dadkaa waxa ka mid ah Niciima Cabdiraxmaan Aadan oo Da’deeda lagu sheegay 25 Sano jir isla-markaana Toddobaadkan iyadoo Qoyskooda Suuqa ugu doontay adeeg lagu qaatay Gaadhi, qaybaha jidhkeedana lagu sameeyay Baadhitaan kala sidan, lagana qaaday dhiigga, laakiin markii dambe la soo dhigay meel aan ka fogeyn halkii markii hore laga qaaday.
Gabadhan oo iyada oo Hooyadeed si wada jir ah ula hadleen Saxaafadda Shalay, ayaa iyada oo ka warramaysa siday wax uga dhaceen waxay tidhi, “Anigoo Suuqa u doonay Adeeg, ayaa waxa isku kay dhufatay Gabadh iga hor-timid, dabadeedna Bacdii aan ku siday Adeegga ayaan tuuray oo waan raacay, Gaadhi bay i saartay, Magacayga ayay i waydiisay, laba Sawir-na way iga qaadday. dabadeedna Sanka ayay iga saartay Soofti (Warqadda dhididka la iskaga masaxo), markaas ayaa miyir iigu dambaysay, waxaan soo baraarugay iyadoo Qalab igu wada rakiban yahay, labada Gacmood waxa la iga qaaday dhiig, dabadeedna Gabadhii baa Waraaqo loo keenay, dabadeedna Sooftigii baa mar labaad Sanka la ii saaray, markaas ayay i keeneen Meheradda TITANIC horteeda (ee Burco) markaas ayaa iigu horeysay miyir iyo kicid.”
Hooyada dhashay Gabadhan oo iyaduna Saxaafadda la hadashay, ayaa tidhi, “Gabadha weli maanaan baadhin waxay qabto, laakiin waxaanu qabtaa in Dawladdu la qabto waxan (Dadka Dadka Sixraya), Waayo? Shalay Saldhigga Booliiska ayaan tagay, haddana waxaan u tagay Ciidammada Dambi baadhista (CID), laakiin waxa la igu yidhi ‘Ma qof intaas leeg baa la qaataa’ ? meeshaa iskaga tag. Markaa waxaan leeyahay Anaga oo keliya maaha ee Dadka oo dhami waxan wuu wada qabaa oo waxa jira Dad dhan oo Muddo la’yahay, waxa jira qaar la kaxaystay oo aan waxba laga qabanin, oo iyagii daalac loo raacay oo la xidh-xidhay.”
Taliska Ciidammada Booliiska oo Saxaafaddu wax ka waydiisay waxay kala socdaan Dadkan la qaadanayo inta la sixro, ayaa sheegay in aanay haynin wax raad ah oo arrintaasi ku saabsan oo ay hayaan, “Haddaan ahay Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Togdheer ma hayno wax Raad ah oo aanu taaban karno oo aanu Ummadda u soo bandhigno ma hayno.” Ayuu yidhi, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Togdheer, waxaanu intaa ku daray, “Arrintani waxay u badan tahay sheekadaa Dadku kaga sheekaynayaan Suuqyada.”