|

Burco: Booliiska Oo Qabtay 292 Litir Oo Khamri Ah Iyo Magacyada Dadkii Sitay Oo Maxkamadda Gobolku Xukuntay

Burco 18. April 2017 (SDN/QJ):- Ciidammada Booliiska Somaliland ee ka hawl-gala Magaalada Burco, ayaa Hawl-gallo ay habeennadii u dambeeyay ka wadeen halkaasi waxay Gacanta ku soo dhigeen Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga oo aad u tiro badan.

Hawl-galkan oo ay sameeyeen Ciidammada Booliiska ee Saldhigga Faarah Oomar ee Magaalada Burco, ayaa waxa lagu soo qabtay 292 Litir oo Khamri ah iyo Dadkii Dalka u soo geliyey inay ku iibiyaan.

Ciidammada Booliiska ayaa 292-ka Litir ee Khamriga ah iyo Dadkii sitayba u gudbiyey Maxkamadda Gobolka Togdheer.

Cabdirisaaq Aadan Shukri oo ah Garoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa Madal furan oo Khamriga lagu burburiyey kaga dhawaaqay in Eedaysaneyaasha Khamriga lagu soo qabtay oo tiradoodu tahay Saddex, Maxkamadda Gobolka Togdheer midkiiba ku xukuntay Afar Sannadood oo xadhig ah iyo Min Afar Milyan oo Ganaax ahisla-markaana la burburiyo Khamriga, Gaadhigii Khamrigaa lagu soo qaadayna waxa lagu ganaaxay Boqolkiiba Shan (Qiimaha Guud ee Gaadhiga).

“Xukunkani waa Xukun ku habboon oo u qalma (Cidda lagu riday), waxayna Tusaale u tahay Cid kasta oo ku hawlan ka Ganacsi Khamri.” Ayuu yidhi Garsooraha Xukunkaasi riday.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Xuseen Cali Khayre oo markii Xukunka Maxkamaddu dhacay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Saddexda eedaysane qirteen kiiska loo haystay.

Xeer ilaaliye ku-xigeenku wuxuu Magacyada Saddexda Qof ee la xukumay ku kala sheegtay, Cabdisamad Cali Maxamuud, Cabdiraxmaan Baashe Xamdulle iyo Cabdillaahi Xuseen Yacquub.

Taliyaha Saldhigga Faarax Oomaar ee Hawl-galkan fuliyey, ayaa sheegay in Gaadhiga Khamriga lagu siday uu Guri jiidhay, isla-markaana khasaarihii soo gaadhay Gurigii uu jiidahy lagu xukumay Saddexda Nin ee khamriga sitay.

Taliyuhu wuxuu u Mahad-naqay Xukunka Maxkamadda Gobolka Togdheer ku ridday Saddexda Nin ee Khamriga lagu soo qabtay, isagoo ballan-qaaday inay halkaa ka sii wadayaan la dagaalanka ka ganacsiga nooc kasta oo Maandooriye ah.

Comments are closed