Burcadeed Eyl ka afduubatay markab kaluumeysi
Garoowe (QJ) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Eyl ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay afduubteen markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen. Sida laga soo xigtay ilo badan, markabka ayaa si sharci ah uga kalluumeysanayay biyaha Puntland, markii uu noqday bartilmaameedka weerarka burcad-badeedda.
Ragga dilka geystay ayaa la rumeysan yahay inay ka soo jeedaan Degmada Eyl, waxaana la soo sheegayaa in ay doonayaan lacag madax furasho ah, iyadoo la raacayo qaabkii horay loogu arkay. Maamulka Puntland ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin, inkastoo saraakiisha ay xaqiijiyeen afduubkan.
Ilaa hadda ma cadda faahfaahinta ku saabsan tirada shaqaalaha markabka iyo halka uu hadda marayo, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay mulkiilayaasha markabka iyo dawladda Yemen.
Dhacdadani waxa ay kor u qaadaysaa walaac hor leh oo laga qabo budhcad-badeedda, inkasta oo ay hoos u dhaceen weerarradan oo kale sannadihii u dambeeyay. Bishii November 2024, sidan oo kale waxaa xeebaha Puntland loogu afduubtay markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kaas oo la xaliyay kadib markii la bixiyay madaxfurasho.
Maamulka ayaa la filayaa in ay dhawaan ka hadlaan arintaan,iyado ay ka soo gudbiyaan xogta markabka la afduubtay iyo dadaalada lagu doonayo in looga hortago soo laabashada burcad badeeda.