|

Burcadbadeed hubeysan oo qaafaashay markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha

Bossaaso December 06, 2024(QJ) Burcadbadeed hubeysan ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana saarnaa 18-shaqaale ah, sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR.

Afduubka markabkan ayaa ka dhacay xeebaha waqooyi bari ee Puntland, taasoo muujineysa in ay dib u soo cusboonaatay dhaq dhaqaaqyada burcad badeeda ee xeebaha Puntland.

Kooxda burcad badeeda ah ee gacanta ku dhigtay markabkan ayaa ku hubaysnaa qoryo AK-47 ah iyo hub toos ah. Lama soo sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka, sida lagu sheegay war kasoo baxay EUNAVFOR.

Afduubkan markabka Shiinaha laga leeyahay ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu kordhay dhaq-dhaqaaqa badda ee ka jira biyaha Soomaaliya, kaddib iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marin biyoodka Bab el-Mandeb, kuwaasoo ku qasbay maraakiibta inay dib ugu laabtaan biyaha Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarrada maleeshiyada Xuutiyiinta.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in dhacdooyinkan oo kale ay ka dhigaan biyaha Soomaaliya mid aad ugu nugul burcad-badeednimada.

EUNAVFOR ayaa soo warisay 43 dhacdo oo la xidhiidha budhcad-badeed intii u dhaxaysay November 2023 iyo October 2024, iyada oo la xaqiijiyay 27 weerar.

Kiisaskii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah afduubkii markabka MV Abdullah, kaasoo la sii daayay, kaddib markii laga bixiyay lacag madaxfurasho ah oo dhan 5 milyan oo dollar.

Comments are closed