Burcad kolkii u horeysay isku khilaafay madaxfurashada laga qaadayo Markab ay heystaan
Garacad Feb 07,2012(qurbejoog.com)-Burcad badeed Soomaali ah oo heysata markab laga leeyahay dalka Giriiga ayaa ku kala qeybsamay lacago madaxfurasho ah oo ay siideyntiisa ku xidheen.
Gorgortanka markabka ayaa khilaafkani uu ka dhashay ka dib kolkii kooxda ilaalada ah e markabka saarani muujisay in ay ku sii deynayaan wixii lacaga ee la siiyo.
Raga maalgeliyay soo qafaalashada markabkan ayaa dalbaday lacag 8 million oo doollar ah.
Ilaalada markabka ayaa gebi ahaanba joojiyay amar ka qaadashada qolada markab soo qabashadiisa maalgelisay oo iminka waxa xaaladu isu bedeshay gacan ka hadal.
Waa markii u horeysay ee kooxda ilaalada ahi ay ka hortimaado ganacsatada maal gelisa burcada maraakiibta soo qabata.
Markabkan oo la yidhaahdo MT Liquid Velvet ayaa bishii November ee sanadkii hore laga soo qabsaday gacanka cadmeed kiyoo India ku sii jeeda,waxaana la socda 22 ruux oo 21 ka mid ihi u dhasheen Filipine halka ruuxa kalena uu u dhashay dalka Giriiga.
Qurbejoog-Garacad
contact@somalidiasporanews.com