Burcad-badeeda Soomaalida oo tiradooda guud la shaaciyay
Nairobi Feb 17,2012(qurbejoog.com)-Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday tirada Burcada Soomaalida ee ka qawleysta badaha geeska Africa,kuwa ku xidhan dalalka maxkamadeeya burcada la qabto iyo sida looga hortegi karo.
Ergeyga QM u qaabilsan maandooriyaha iyo denbiyada Wayne Miller ayaa maanta London ka sheegay in tirada dhabta ah ee Soomaalida ah ee ka qawleysta badaha Gacanka Cadmeed iyo India ay tahay 3,500 oo ruux.
Mr Miller ayaa sheegay in xogtan uu ka soo ururiyay isla burcada oo uu xogwareysi ugu tegay bishii November.
Mr Miller ayaa sheegay in dhalinta burcadnimada ku shaqeysataahi in aaney la soconba khatarta ku xeeran burcadnimada.
“La ma socdaanba in la dili karo ama la xidhi karo,Soomaalidu waxa ay doonayaan in laga caawiyo xaaladan dalkooda burburineysa”ayuu yidhi Mr Miller.
Waxa ilaa haatan ugu xidha ilaa 20 dal ilaa 1,000 ruux oo burcadnimo lagu helay oo xadhig dheerna ku muteystay,Mr Miller ayaa shaqadiisa waxa ka mid ah in uu burcadaa booqdo.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa sanadii 2011kii qaaday weeraradii u badanaa ebid oo ahaa 237,waxaana u xardooday $160 million oo dollar.
42,450 oo markab ayaa mara sanad walba badaha geeska Africa,waana qeyb weyn oo ka mid ah ganacsiga dunida ee isaga goosha qaaradaha.
Guud ahaa shirkadaha leh maraakiibta ganacsi ayaa shaaciyay in in ka badan 6.9 billion dollar oo qeyb weyn oo ka mid ihina tahay hawlgalada ciidamadu wadaan.
Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com