|

Burcad badeeda Soomaalida oo tabo cusub la soo baxay

Nairobi April 18,2012(SDN)-Burcad badeeda Soomaalida ayaa haatan la soo baxay tao cusub oo ay ku ugaadhsadaan maraakiibta isaga gooshta badaha ka baxsan kuwa Soomaalida.

Sida ay ku soo waramayaan hayadaha ka ganacsada maraakiibta isaga gooshta badaha Soomaalida Burcada ayaa waxa ku adkaaday afduubkii iyo weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta,ka dib kolkii la kordhiyay ciidamadii ilaalada ka ahaa badaha.

Burcada ayaa kolkii hore waxa ay ugaadhsiga u isticmaali jidheen Maraakiibta xaamuulka ah ee waaweyn si markaa ay u gaadhaan degaano aad uga fog kuwa Soomaalida.

Haatanse waxa ay isticmaalaam maraakiibta yar yar ee badeecada u sida xeebaha Soomaalida,iyo kuwa kaluumeysiga si markaa aaney ciidamadu u qabqaban.

Sidaana waxa shegay Maamulaha shirkada INTERTANKO Joe Angelo oo iyadu maamusha inta badan maraakiibta xamuulka ee dunida.

‘Maraakiibtan ayaa aad ugu badan xeebaha Soomaalida waana a adagtahay in la garto kuwa burcadu ay isticmaaleyso’ayuu yidhi Joe.

Joe waxa kale oo uu sheegay in sadexdii bilood ee u horeeyay sanadkan uu hoos u dhacweyni ku yimi weeraradii burcada kolka la barbar dhigo isla xiligaa sanadkan.

Soomaaliya ayaa colaadaha isdaba jooga ah iyi abaarahu waxa ay sababeen in dhalaanku ku mashquulaan fal denbiyeedyo ay meherado ka dhigtaan.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed