|

Burcad-badeeda Soomaalida oo sanadkan soo gashay lacag gaadheysa 1 billion

Nairobi Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Burcad-badeeda Soomaalida ayaa sanadkan qaaday 219 weerar oo ay ku bartilmaansadeen Maraakiib isugu jira kuwo ganacsi iyo qaar damaashaad.

Sida laga soo xigtay madaxa heada badmareenada Kenya Nancy Karigithu oo hadal ka jeedineysay siminaar loo qabtay garsooreyaal Kenyan ah.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay ugu yaraan 49 markab isla markaana qafaashay dad tiradooda lagu qiyaasay1,016 oo ruux.

Buracada Soomaalida ayaa madaxfurasho ku qaatay ka hor bishii Juun e sanadkan lacag gaadheysa 1 billion oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta $254 dollar.

Burcada Soomaalida ayaa iminka gacanta ku haya 14 markab iyo 345 ruux oo shaqaale ah.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed