Burcad badeeda Soomaalida oo lacago madax furasho ah ku sii daayay Markab iyo shaqaale la socday
Boosaaso Marche 12 2013 (SDN)— Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa siidaayay markab saliida qaada oo laga leeyahay dalka Gariiga,kaasi oo ay gacanta ku dhigeen 10 bil ka hor.
Markabkaan ayaa marayay xiligii Burcad badeeda Soomaalida gacanta ku dhigayeen Badda Gacanka carbeed,sidaasi waxaa xaqiijiyay maamulaha markabka Dynacom.
MT Smyrni,waa markabka ka baxay gacanta shufta badeeda Soomaalida,wuxuu siday hal Milyan oo barmiil saladii qeyriinka ah,waxaana afduubka loo geystay bishii May sanadkii hore.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in siideynta markabkaan ay timid kadib markii ay ka qaateen lacag madaxfurasho ah.
“Waxaan ka qaadanay Lacag gaareysa $9.5 million oo Madaxfursho ah,waxaana sii deynay Markabka Habeenkii Jimca ahaa”sidaasi waxa Qadka taleefanka ugu sheegay Reuters Mid ka mid ah afar burcad badeeda oo Markabka gacanta ku hayay.
Shirkada Markabka iska leh ayaa wax faafaahin ah ka bixin,waxaana shaqaalaha Markabka Saarnaa oo gaarayay 24-shaqaale ay ukala dhasheen wadamada 14 Filipinyaanees ah, 11 Indiyaan ah iyo one Romaniyaan ah.
Dhamaan shaqaalaga saaran Marabka saliida ayaa la sheegay inay badqabaan,kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa iminka gacantooda waxaa ku jira Maraakiib iyo shaqaalo fara badan kuwaasi oo ay ka doonayaan Lacag Madaxfurasho.
Markabka MT Smyrni ayaa noqonaya Kii labaad oo Burcad badeeda Siidyaan mudo Maalmo gudahood,iyadoo dhawaan ay sii daayeen Markab kale oo la cadeyn kari in lacag Madax furasho ay ka qaateen iyo in kale.
SDN-Muqdisho