|

Burcad badeed weerar ku qaaday Markab ciidan

Muqdisho Oct 25,2012(SDN)-Qaar ka mida Burcad-badeeda Soomaalida ee ka qawleysta xeebaha ku teedsan dalkooda ayaa weerar jac ku siiyay markabka hormuudka u ah maraakiibta ka hawlgala xeebahaSoomaalida.

Sida lagu sheegay war laga soo saaray taliska ciidamada NATO ayaa lagu xusay in markabka Rotterdam ee Holland laga leeyahay burcad weerartay.

Burcada oo hawlgaladooda ugaarsi ee maraakiibta ganacsi ay si weyn hoos ugu dhecen beryahan danbe ka dib hawlgalada ciidamada NATO ay ka wadaan baddahaSoomaaliya lakordhiyay.

Weerarka oo dhacay malinimadii Arbacada ayaa yimi ka dib kolkii ciidamadu ay is yidhaahdeen baara markab kuwa yaryara oo laga shakiyay.

Ciidamada NATO ayaa rassaas la huwiyay kolkii ay is yiraahdeen gudo gala.

Ciidamada NATO ayaa dagaalka ku dilay mid ka mida burcadii isla markaana soo qabqatay 25 kale.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed