|

Burcad-Badeed dalbatay madax furasho nooceeda aan hore loo arag

Dubai Mar 29,2012(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah oo 17 bilood ka hor afduubay markab la yidhaahdo MV Albedo ayaa dalbaday madaxfurasho nooceeda aan hore loo arag.

Burcada ayaa kolkii hore dalbatay sida caadiga ah tobanaan million oo dollar.balse ehelada iyo qaraabada 21ka ruux ee la socday markabka ayaan awoodin in lacagtaa ay bixiyaan.

Milkiilaha Albedo ayaa sheegay isna in aanu bixineyn lacagta madaxfurashada ah ee Burcadu dalbatay.

Qaraabada la heysteyaasha oo kaashanaya siyaasiyiin reer Bakistaan ah ayaa xidhiidh la sameeyay madax dhaqameedka Burcada si loogu qanciyo Burcada in markabka ay sii daayaan.

Ehelada shaqaalaha markabka la heysto ayaa ogolaaday in ay bixiyaan kharashaadkii ku baxay la heysteyaasha intii ay ku jireen gacanta Burcada.

Burcada ayaa sidaa ku heleysa ill 3 million oo dolar ka dib kolkii lagu qiimeeyay kharashaadka $50 maalintii,iyada oo dadka markabka saarnaa mudadaana lagu sheegay ilaa 100 ruux.

Burcada ayaa ehelada la heysteyaasha u qabatay ilaa bisha April ee ina heysa 20keeda.

Waa markii u horeysay oo burcad badeed ay qaadato madaxfurahso noocan oo kale ah.

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed