|

Bulshada Somaliland ma yihiin kuwo fahansan ujeedada doorashada?

Waxaa si rasmiya u bilaabmay Ololaha golaha deegaanka ee Somaliland, iyadoo layswaydiinkaro horena laysku waydiin jiray bal saamaynta uu olalaha ku yeelan karo bulshada somaliland.

Waxaan muran ku joogin in ay bulshadu gali doonaan sodon casho oo jaahwareera iyo sadex sano oo ka dambeeya oo suuxdina, maxaa yeelay bulshada soomaliland ma,aha bulsho u bisil in ay olole siyaasiya galaan oo ay nidaamka sharcigu hagayo u ololayaan, iyadoo ay taasi ku xidhantahay kolba fahanka bulshadu ka haysato doorashada oo aanay uba kala cadayn waxa ay ugu codaynayaan ,madeegaanbaa mareerbaa, masaaxiibaa, mise waa aqoontiisa iyo kartidiisa.

waxaan iska cad inay musharixiinta laftoodu yihiin kuwa sababa fahandarada bulshada haysata ,kuwaas oo markooda hore dadwaynaha ugu sheega qaab ay iyagu door moodayaan ama ugu gudbayaan han iyo hanaan qaawan oo aan cilmiyaysnayn taas oo hadaladooda aad ka dareemayso nooc u eeg (TOLAAYEEY) kalka aan indhahayga ka qaaday qaar ka mida mushariinta golaha deegaanka maanta inay waraaqaha sawirkoodu ku yaalaan inay ku qorteen halku-dhegyo aan macnahiisu kafogayn.

Iiyada oo nidaamka dimuqraadiyadu uu odhanayo qof kasta inuu iska sharaxo meelkasta oo uu taageerayaal ka helayo, ha udhasho ama yaanuu udhalane,taasina ay tahay nidaamka ugu haboon ee dadku isku dhex galikaraan musharax kastana lagu dooran karo aqoontiisa ,kartidiisa iyo garaadkiisa ayna dooran karaan dadka kala duwan dhaqan ahaan iyo deegaan ahaanba .

Dhinaca kale waxaa iyaguna khaladka ugu balaadhan sameeya madaxda xisbiyada oo magacaabistooda gudoomiyeyaasha ololaha ee gobolada ku saleeya qaab reer ah kaas oo isaguna ku xidhma reerkooda balse aan dareensanayn inuu nidaamka ololaha iyo dadwaynaha gobolka uu ka wada masuul yahay .

waxaan kusoo gabagabaynayaa maqaalkan gaaban (nimaan waxa maqan garani wax jooga magarto) ,dadwaynaha waxaa si toosa uga masuula xukuumada somaliland, xukuumadu waa inay dhistaa garaadka bulshdeena oo ay samaysaa had iyo jeer barnaamijyo horumarineed oo dadkeena lagaga dhaadhicinayo waxa ay tahay doorashadu iyo ujeedada doorashada, barnaamijyadan waa inay ka yimaadaan wasaarada diinta iyo awqaafta ,iyo wasaarada arrimaha gudaha , iyo madaxda jaamacadaha dalka.

sadexdan waxaan usoo qaatay waa ta horee, wasaarada diinta iyo awqaaftu inay dadka kadhisto dhinaca diinta oo ay fahan siiso nidaamka ugu haboon ee ay qofkay rabaan u dooran karaan iyo inay u sheegto dadka kuwa aaminsan inay doorashadu tahay xaaraan.

wasaarada arimaha guduhu waa inay bulshada u bisleeyaan inay wax dooran karaan lana doorankaro iyaga oo aan wax rabshada samayn una hogaansan shuruucda dalka .

gudida doorashada oo ah ta ugu muhiimsan hawshana ay tahay tii iyaga uga masuul ahayd bulshada somaliland, waa inay samaysaa casharo taxane ah oo lagaga hadlayo habka iyo hanaanka cad ee ay doorashadu u dhacayso si ay dad waynuhu kalsooni buuxda u gasho.

madadaxda jaamacaduhu iyo culimo awdiinku iyagu waa cida qudha ee la bidayo aqoon iyo garaad, waxaan si guud ay uga masuul yihiin umada waxaana waajib ku ah in hadii ay arkaan siyaasi si qaldan wax u gudbinaya inay bulshad u tilmaamaan si ay bulshadu u kala gartaan qaladka iyo saxa .

Idaa subag laga lulaa

Lo’baa saan laga baxshaa

Geel baa sidig loo ogaa

Sengaa orod lala ekayn

Sareedo Illaahay baa leh

QALINKII: Sahal  Axmed  maxamed

       University of Hargeisa

FACULTY OF LAW

Comments are closed