Bulshada Ku dhaqan Magaalo Xeebeedka Berbera oo si weyn u soo dhaweeyay Maamuus ka Xayuubin lagu sameeyo Maayarka Berbera DAAWO
Berbera 23.Nov 2015 (SDN/QJ):- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa aragtidooda ka dhiibtay Mooshin ay wadaan aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Berbera ay doonayaan inay xilka kaga xayuubiyaan Maayerka degmadaas ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin).
Inta badan Shacabka reer Berbera ee aragtidooda ka dhiibtay Mooshinka ay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Berbera doonayaan inay ku ridaan ama Maamuus-ka-xayuubin ku sameeyaan Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin, ayaa muujiyey inay taageersan yihiin in is-beddel hoggaaminta Golaha deegaanka ah loo baahan yahay, isla markaana ay soo dhawaynayaan Mooshinkaas oo ay wadaan 12 Xildhibaan oo ka tirsan 21-ka Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha Degaanka Berbera.
Waloow ay jiraan iyaguna qaar ka tirsan Shacabka reer Berbera ee aragtidooda dhiibtay, ay sheegeen inaan loo baahnayn in kacdoon la geliyo Golaha degaanka ee degmada Berbera, hase-yeeshee, inta badan ama aqlabiyadda ayaa ka midaysan aragtida ah in xilka laga xayuubiyo Maayerka wakhtigan Cabdishakuur Cidin oo saddexdii sano ee u dambaysay ama tan iyo markii la doortay Golayaasha deegaanka ee magaalooyinka Somaliland xilkaas Golihiisu u doortay welina fadhiya, waxaana wakhtiga doorashada Golayaasha deegaanka ka hadhsan muddo laba sano ah shanti sano ee la doortay oo saddex tageen.
Haddaba, Warbixinta Warkan dadweynaha kala duwan ee reer Berbera aragtidooda kaga dhiibteen Mooshinka Maayerka Berbera xilka lagaga qaadayo oo uu soo diyaariyey Weriye Axmed Siciid Maxamed oo ah Wakiilka Telefeshinka Kalsan ee gobolka Saaxil, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-