Bulshada Caalamka Oo Si Weyn Usoo Dhaweysay Heshiiskii Puntland iyo Dawladda Federalku Kala Saxeexdeen
Garowe:Oct,15,2014(SDN/QJ)-Inta Badan Saaxiibadda ay Somalia ku leedahay Daafaha Dunida ayaa si Kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Heshiiskii maaliintii shalay Garowe ay ku kala saxeexdeen Somalia iyo Maamulka Puntland ooh ore iskugu dhacsanaa.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen wakiilka Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, IGAD iyo Gudoonka Golaha Wasiirada IGAD, Itoobiya, ayaa sheegay inuu mudan yahay wax lagu farxo heshiiska ay labada dhinac wada Saxeexdeen.
“Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiska maanta(shalay) ay wada gaadheen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowlad Puntland ee Soomaaliyeed. Heshiiskan waa tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhishidda nabadda taas oo dan u ah dhamaan umadda Soomaalida. Dowladda Puntland oo leh waaya aragnimo gaadheyso 16 sano, waaya aragnimadaas oo ku saleysan qaran dhisidda iyo maamul wanaaga ayaa kaalin weyn ka qaadan karto sidi loo dhisi lahaa Soomaaliya oo xoog leh, nabad ah, ku shaqeeyo nadaamka federaalka, demoqoraadi ah, oo mideysan.
Waxaa loo baahanyahay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyin muhiim ah bilaha soo socdo, tallaabooyinkaas oo ay kamid yihiin dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Federaalka ah iyo sidi doorasho loo qaban lahaa sanadka 2016. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno hirgelinta heshiiskaan annagoo u mareeyno Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliyeed.
Saaxiibada Soomaaliyeed ee ka socdo caalamka waxaa ka go’an in ay taageeraan hadafka wadanka Soomaaliyeed ee ku aadan soo celinta nabadad iyo qaran dhisidda ayaga oo xurmo buuxdo siinaayo Dastuurka Federaalka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yidhi qoraalka ay sida wada jirka u soo saareen Hay’adaha iyo dalalka Somalia sida joogtada ah ula socda xaaladaheeda hoose.
Somalia iyo Maamulka Puntland, ayaa dhawaan waxa ay kala saxeexdeen heshiis is afgarad oo ay meesha kaga saarayaan khilaafkii dhexdooda yaallay, waxana arrintaas si dhaw usoo dhaweeyey beesha caalamka iyo shacabka somaliyeed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com