Bulshada Buuralayda Siimoodi Oo Qaylo-dhaaan kasoo saartay Shirkad Macdan qodis Ku Hawllan iyo Wasiirkii Shaqadaas Lahaa Oo Iska Diiday Inuu Shacabka Jawaab Siiyo
Hargeysa:June,06,2015(SDN/QJ)-Waxgaradka iyo Cuqaasha shacabka ku dhaqan deegaanka Siimoodi ee Gobolka Awdal, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey shirkad dalka Chine laga leeyahay oo Halkaas muddoba ka wadday Hawlo macdan-qodiseed.
Muranka ka taagan Arrinta Macdan-qodista shirkaddaasi ku hawllan tahay, ayaa gaadhay heer dad badan oo deegaankaas ahi jeelasha u galaan diidmo ay arrintaas kala hortageen, waxana cuqaasha iyo waxgaradka Deegaankaasi si weyn u muujiyeen inay kasoo horjeedaan Shirkadaas.
Qaar kamid ah Cuqaasha Deegaanka Siimoodi oo warbaahinta kula Hadlay Dusha Buurta Siimoodi, ayaa sheegay inay shirkaddaas u arkaan Mid xaqdarro ah, isla-markaana halis badan gelinaysa Nolosha dambe ee dadkaasi.
Caaqil Cabdi Cali Caynaanshe oo kamid ah cuqaasha deegaanka Siimoodi oo arrintaas si adag uga Hadlay, ayaa sheegay inaanay aqbali Karin shirkaddaas macdanta qodaysa,
“hadalkaygu waxa uu ku saabsan yahay shirkadda Xaqdarrada ah ee laga keenay Beijing ee bililiqaysanaysa Deegaanka Siimoodi ee aanu xaqa u leenahay, dhulka Abaar Ba’an baa ka dhacday oo dadku baro-kac buu ku jiraa, balse taas beddelkeedana waxay keentay shirkaddan oo ay masuul ka yihiin haddii ay wada ogyihiin iyo haddii kaleba.” Ayuu yidhi Caaqil Cabdi Cali Caynaanshe.
Caaqilka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in qodista macdanta ay ka dambeeyaan arrimo mustaqbalka fog nolosha dadka saamaynaya, waxana uu hoosta ka xarriiqay in umadda deegaankaasi ku jirto abaaro, isla-markaana aanay xilligan u baahnayn shirkado aan faahfaahin laga haysanin hannaanka ay wax u qodayaan, waxana uu yidhi,
“Dillaac inta uu yar yahay baa la tolaa, hadduu fogaado looma helo maaro lagu qabto, Xukuumadda waxanu leenahay, Gaar ahaan Wasiirka Macdanta iyo Madaxweyne-ku-xigeenka waxanu u sheegaynaa dadkii waxtarka idinka sugayey ee aad ka masuul ahaydeen oo abaaro nagu dhaceen xukuumaddii noo maqnayd ee aanu wax ka sugaynay waxay keentay in waxa dadka xaaqa oo macdankta xaaqa oo cawaaqib xumo aan joogsi lahayn dhulkii lagu isticmaalay, waana wax aan ilmaha ilmihiisa hadhaynin.”
Caaqilku waxa uu sheegay inaanay eegan Karin sun uu sheegay in shirkaddu u adeegsato qodista macdanta, taas oo halis gelinaysa Nolosha noolaha halkaas ku nool,
“Annagu intii aanu sun ku madhan lahayn waxa noo dhaanta inaanu xabad ku madhano, waxana aanu xukuumadda leenahay waxaa haddii wax laga qaban waayo dhibta ay keento annagu masuul kama nihin. Waxana aanu idiin sheegaynaa in Hawshaas bililiqada ah ee cawaaqib darrada dambe wadata ee aan dhulkaas wax ku noolaanayaa aanay jirin in wixii ka yimaadda ay xukuumaddu masuul ka tahay.” Ayuu yidhi Caaqil Cabdi Cali Caynaanshe.
Caaqilka oo ka Hadlaya cawaaqib uu sheegay inay ku arkayn saamaynta Macdan-qodistaasi keentay, ayaa yidhi,
“aayo-xumada ugu darani waxa weeye ilaa afartan KM wax ku noolaanayaa ma jiraan oo Daanyeer, dad iyo duunyo midna kuma noolaanayo.”
Waxa uu caaqilku intaas ku daray,“madaxweyne waxanu kaa codsanayaa in Deegaanka Siimoodi loosoo gurmado oo shirkadaas xaaraanta ah nalaga raro.”
Mid kamid ah Cuqaasha deegaanka oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa waxa uu yidhi,
“Shirkaddan waxa hoggaaminaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, Xukuumaddana waxanu ka sugaynay horumar laakiin dhibaato ayaa nagaga timi, Shirkaddanna Haddii nalaga saari waayo wixii ka yimaadda xukuumaddaas masuuliyadeedda qaadaysa.”
Dhawaaqa caaqilkaas ayaa sii socday, waxana uu carrabaabay ciidamo tiro badan oo Halkaas la geeyey, kuwaas oo uu walaac ka muujiyey, waxana uu yidhi, “Halkii aanu xukuumadda taakulayn ka sugaynay ma waxa waxa caawimo nalooga dhigo in jeelasha nalagu guro, siimoodina maanta waxa jooga Ciidankii Dawladda, ciidanku yuu ilaalinayaa ma Al-shabaab baa dalka soo gashay, haddii laga kaxayn waayo Shirkadaas cidna u daba joogsan mayno.”
Dhinaca kale Wasiirka Macdtanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa cabashada Shacabka reer Siimoodi kaga jawaabay Aamusnaan, waxana uu afka ka xidhay inuu turxaan bixiyo buuqa iyo sawanka bulshada deegaanku ka muuijiyeen Shirkadda Halkaas Macdanta ka qodaysa.
Wasiir Xuseen Cabdi Waxa uu sidoo kale iska diiday isku-dayo dhawr ah oo saxaafaddu ku doonaysay inuu arrimahaas jawaab uga raadiso, waxana uu is hordhigay ciidamo hor ku sugan Al-baabka laga galo xarunta Wasaaraddiisa, kuwaas oo diiddan inay cid aan isaga amar ka haysani Albaabka dhaafto.
Cabashada Shacabka ayaa sidoo kale salka ku haysa Diidmo ay sheegeen in shirkadda macdan-qodista waddaa ay kala horyimaadeen dad la doonayey in shaqo la siiyo, waxase wali warbaahintu aanay haynin cid madax bannaan oo xaqiijin karta Cabashadooda, gaar ahaan midda la xidhiidha in dhulka lagu daadinayo sun keeni karto dhibaato mustaqbal.
Tan iyo intii shirkadaha shidaalka iyo macdanaha dalka ka baadhayaa ay hawlahooda bilaabeen waxa dhinac socotay diidmo ka imanaysa dadka ku dhaqan deegaanada arrimahaas laga gulinayo, waxana inta badan aan wacyigelin dadka lagaga dhaadhidhinayo shaqada shirkaduhu qabanayaan
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com