|

Bukaano Cabasho ka Muujiyay Adeegyada Cisbitaalka Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer

Burco 26.Sep 2016 (SDN/QJ):- Kadib markii Ay wareejisay Haayadii Ka Shaqeyn Jirnay Cisbitaalka Guud ee magaalada Burco ee MSF ayaa waxaa cabashooyin Isdaba joog ahi kasoo yeedhayaan dadka bukaanka ee la dhigo Cisbitaalkaasi, cabadhooyinkaas oo ay sababeen hoos u dhac ku yimid  Adeegyadii caafimaad ee laga Bixiyo Cisbitaalka.

 

Dadka baahida caafimaad u taga cisbitaalka Burco, ayaa sheegay in aanay adeegyadii ay u baahnaayeen ka helin, taasina ku keentay in xanuunadii lagaga dabiibi jiray ku sii kordhaan.

 

“ Cid na daryeesha male xaalada Cisbitaalka Burco aad ayaan ula liidanaa oo Xaruntii Cisbitaalka ayaa xanuun laga qaadayaa, Nadaafadii ma jirto”ayuu yidhi Midka mi dha bukaan ka cabanayay adeegyada Cisbitaalka Burco

 

Cisbitaalka Burco oo ka mid ah cisbitaalada ugu waaweyn Somaliland ayaan helin dhaqaale wanaagsan oo wax lagaga qabto adeegyada caafimaadka ee Gobolkaas.

Comments are closed