Bukaan bogso ku bogsan waa, Qabyaaladina…! W/Q.Cabdiqani Cabdilaahi Aadan
Ilaahay dadka markii uu abuurayay wuxuu u sameeyay baahiyo iyo dareenno aasaasi ah oo ay wadaagaan. Cadaaladda iyo sinnaanshuhu waa laba baahiyood oo dhammaan ummaddu u wada baahan tahay, ma jiro ruux jecel caddaalad darro sidoo kale baanu jirin ruux jecel in aannu dadka la sinnaan.
Waa labada Ilaahay in badan diintiisa suubban seeska uga dhigay; waa labada Ilaahay in badan ummadda ku booriyay; waa labada Ilaahay u dardaarmay dadkiisa guud ahaan.
Haddaba, haddii la waayo labadaa (Caddaalad iyo sinnaansho) oo ah awoodda ummadda midaysa ee ka dhigta dad wada-noolaashiiyo ka dhexeeyo iyo dad is-jecel, waa marka dadku awood hoose oo xulafaysi reerreed iyo wax la mid ah unkadaan. Waa tay Soomaalidu hore uga gabayday oo tidhi :”Rag cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaac”. Waa run biyo kama dhibcaan ah. Marka sinnaanshiyihii ummaddu daaqadda ka baxo, saw cid la gumayn maayo cid na la gobayn maayo? Saw cid odhan mayso: anigaa dadka ka sarreeya? Saw la heli maayo dad aan dadka la sinnayn oo cagta hoosteeda ku jira? Marka sidoo kale caddaalad la waayo, saw ummaddu isu xoog sheegan mayso? Saw xoolaha la kala dhici maayo? Saw in naf Ilaahay sharfay in la jaraa fududaan mayso? Ileyn ruuxu awood danbe buu haystaa oo xulafadii reerkiisaa halkan u joogta e.
Xaaladda aynu taaggan nahay ee maantu waa mid qabyaaladdu cirkaa marayso, dhulkana ay taallo cadaaladdii iyo sinnaanshiiyihii. Waa la kala sarreeyaa, waxa jira laangaab iyo laandheere la samaystay. Waxa jira sidoo kale ummad dhan oo sideeda loo takooro, oon laga guursan loona guurin. Gunnimo halkii u danbaysay. Haddaba, jaalleyaal, marka qabyaaladda lala dagaalamayo maxaa mudan in la is-weydiiyo? Waxa mudan in la is-weydiiyo waxa qabyaaladda keena horta? Marka cudurkii la helo baa daawadiisa ama xalkiisa la helayaa.
Qabyaaladda maxaa keenaya? Waxa keenaya qabyaaladdu guud ahaa wuu badan yahay, labo arrin imaanshahooda baan se u arkaa in ay ku xidhan tahay, 1. Caddaalad la’aan iyo 2. Sinnaanshiiyo la’aan ummadda dhex taalla. Tan iyo ilaa lixdankii baa olole qabyaalad diid la soo waday, immisa ayaa suugaan uu Timacadde ka tiriyay, immisa ayuu dabadii Gaarriye ka tiriyay, immisa ayaa sidoo kale silsilado ka unkamay arrinka qabyaaladda, la wad olole oo la wad, wax ka soo naaso caddaadayna anigu ma arko. Waxaynu u baahan nahay intaynaan iska jibboon in la baadho maxaa keenaya cudurkan, dabadeed maxaa xal u ah la raadiyo. “Bukaan bogso kuma bogsado”.
Maanta Hargeysa lagama sugahayn riwaayadda ah “Dilista qabyaaladda” iyo “Qabyaalad waanu diidnay” horta waa iga su’aale, hala diiddo qabyaalad e, yaa yidhi “Qabyaalad baanu rabnaa”? Mar haddii ummaddii wixii fal ahaan u fulinayso in fal ahaan xalkeeda loo fuliyo ayaa daawo u noqon karaysa. Qabyaaladda in goor walba lala dagaalamo, la colaadaysto, la caayo oo la tuuro waa waajib ruux walba saarran. Laakiin Oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan baa loo kala guraa. Ololaha loo baahan yahay waa mid ka dhan ah cadaalad darrada iyo sinnaan la’aanta ummadda.
Waxa aan hubaa, in haddii cadaalad la helo, ummadda la yidhaahdo: waad siman yihiin, qabiilkan iyo qabyaaladdan laba laga kala dhigayana uf la wada yidhaahdo in dhibaatada qabiilka iyo qabyaaladda laga bixi doono. Waxa muhiim ah in maanka loo furo in qabiilku uu yahay ka ku dhisan eexda iyo belo kijinni oo dhan. Waxaan sidoo kale hubaa in cudurkani suuli doono kolka ummadda awood ay wada lee dahay loo sameeyo, laga dhigo isku baahi iyo dareen. “Meel fal u baahan, hadal waxba kama tarayo” “Bukaanna bogso kuma bogsanayo”.
Hargeysa