Budhcad Badeedii Soomaalida Oo Dib Usoo Laabtay Ka Dib Kalluumeysiga Sharci Darrrada Ah Oo Kordhay
Garowe,24Nov,2015(QJ/SDN)-Budhcad Badeeda Soomaalida ayaa afduubtay Markab laga leeyahay dalka Iiraan kaas oo ay saarnaayeen illaa 15 shaqaale.
Wasiirka arrimaha Badda iyo la dagaalanka Budhcadbadeeda Maamulka Puntland ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Budhcad badeeda xeebaha Waqooyi ee Eyl ay ka afduubteen Markabkaasi.
Budhcadbadeeda ayaa la rumeysan yahay in illaa iyo iminka ay gacanta ku hayaan 26 la heystayaal ah.
Saameyntii Burcadbadeeda ayaa u muuqata mid dib u soo noolaaneysa iyadoo loo aaneynayo sababta kalluumeysiga sharci darrada ah ee ku baahaya Xeebaha Soomaaliya.