|

Budhcad-badeeda Somaliland ogolaatay in Xabsiyadeeda lagu hayo oo dufcaddii labaad maanta soo gaadheen Hargeysa

Hargeysa 29, Marcch 2012 (Qurbejoog.com)- Kooxdii labaad ee 19 Budhcad-badeed Soomaali ah oo ku xidhnaa dalka Seychelles oo xukuumadda Somaliland ogolaatay in xabsiyadeeda lagu hayo, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Hargeysa.

Arbacaddii shalay waxa Hargeysa soo gaadhay 9 ka mid ah maxaabiistaas Budhcad-badeednimada ugu xidhnaa dalka Seychelles, kuwaasoo markii Hargeysa la keenay lagu xidhay Jeelka dhexe ee Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan dawladdu ka soosaartay, haddana siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa abaaro 10:00 barqonimo ee maanta madaarka Hargeysa la keenay 8 kale oo kooxdaas maxaabiista ah ka tirsan.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaalada Mr. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ay goobjoog ka ahaayeen, lana wareegeen 8-da maxbuus. “Amniga madaarka aad baa loo adkeeyay markii la sugayay iyo markii diyaaraddu dejisayba, dadka kale iyo shaqaalaha madaarkana waxa lagu amray in aanay soo gelin oo xataa shaqaalaha NASHA (shirkada rogista alaabooyinka ee madaarka), waa loo diiday inay diyaarada maxaabiista keenay u dhawaadaan,” ayuu yidhi goobjooge u waramay shabakadda Qurbejoog.com/Somalidiasporanews.com.

Waxa uu intaa ku daray oo uu goobjoogahaasina tibaaxay, in markii maxaabiistaas goobta laga qaaday la isla dhexmarayay in mid ka mid ahi dhaawac gacanta ah qabay, kaasoo sida la sheegay gaadhay intii uu Seychelles ku sugnaa.

Wasiirka Caddaalada Somaliland, waxa uu shalay warbaahinta u sheegay markii uu 9-kaa maxaabiista ah gudoomay, in 10-ka kale ee ka hadhay 19 ay soo wareejintooda ogolaadeen inay maalmo kooban gudahood lagu soo wareejiyo gacanta xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Hase yeeshee, ma cadda sababta keentay in laba ka mid ah lagu reebay Seychelles oo ay horeba ugu xidhnaayeen.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed