|

Budhcad Badeed lagu soo Maxkamadeeyay Jaziiradda Seychelles oo laga soo dejiyay Boosaaso si ay Xabsigooda ugu dhamaystaan

Boosaaso 09.October 2013 (SDN)- Garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaso ayaa maanta  laga soo dajiyay Burcad badeed xukuman oo ku xirnaa xabsiyada Jaziiradda Seychelles ,kuwaasoo ku yimi heshiis Puntland la gashay jasiiradaas.

boossasBurcad badeed maanta la keenay magalada ayaa tiradooda gaaraysaa 6-Nin.waxana la socday agaasimaha la-dagalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Maxamad Dirir,Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen.Cali Nuur Cumar iyo Cabdirsaaq Maxamed Jaamac oo madax ka ah UNODC Puntland oo ah hay’adda qaabilsan QM la-dagaalanka burcad badeeda..

Agaasime Ducaysane oo la hadlay Radio Garowe isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha Bossaso ayaa faahfaahin ka baxshay maxaabiistan oo xabsiga Bossaso loo gudbin doono, iyo weliba wiil yar oo 18 bilood ku xirnaa Seychelles oo soo dhamaystay mudadiisi oo loo gubiyay magaalada Galkacayo.

38 maxbuus ayaa horey ugu sugnaa Xabsiga Bossaso kuwaasi oo laga soo wareejiyay Seychelles.

Ducaysane ayaa sheegay saddexdii bari ee ay ku sugnaayeen  Seychelles inay kulamo kala duwan la qaateen madaxda dalkaasi ayna ka wada hadleen sidii loosii xoojin lahaa xiriirka wada shaqayneed ,wuxuna raacshay Puntland inay ka mid tahay deegaanada meel mariyay Xeerka Ciqaabta Burcad-badeedda (Piracy Law) kaasoo Puntland awood u siinaya inay dhulkeeda ki xir xirto Burcad badeeda.

Agaasimuhu waxa uu sidoo kale sheegay inay ku guda jiraan qorshe kele oo lagu damacsan yahay sidii lagu soo wareejin lahaa maxabiis kale oo wali ku xidhan xabsiyada wadankaasi,taasoo qayb ka ah heshiiskii horay loo wada gaaray,sidoo kale Puntland iyo Seychelles ayaa iska kaashanaysa la dagalanka burcad badeedka iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed