Britain:Madaxweynaha Somaliland waxa markii noogu danbeysay uu noo sheegay in uu shirka May Imanayo
London Mar 24,2013(SDN)-Kulan dhawaan dhexmaray Waxgarad ka tirsan Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool UK iyo xafiiska wasaarada arrimaha dibedda ee Britain u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday shirka Soomaaliya ee London lagu qabanayo bisha May.
Waxgaradka reer Somaliland ee kulanka la yeeshay Masuuliyiinta Britain ayaa suallo shirka May ku saabsan weydiiyay.
Sidoo kale waxgaradku waxa ay soo jeedimo ka dhiibteen sida looga miro dhalin karo dedaalka ay Britain ugu jirto sidii wax loola qaban lahaa dadka iyo dawlada Soomaaliyeed.
Xogwaranka ka dib ayaa waxa soo baxday in Britain aaney la socon qaadacaadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Shirka London.
Masuuliyiintii ka socday wasaarada arrimaha dibbedda ee Britain ayaa aqoonyahankii halkaa ku sugnaa u sheegay in aaney diidmadaasi ogeyn.
“Madaxweynaha Somaliland kolkii ugu danbeysay ee aanu xiriiro noomuu sheegin in aanu shirka imaneyn,qorshuhunaa waa in uu imanayo”ayuu yiri masuul diiday in magaciisa la shaaciyo oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibedda ee Britain.
Waxgaradkii reer Somaliland ayaa deetana waxa ay Masuuliyiintii Wasaarada waxa ay ku soo kala tegeen in dib loo kulmo kolka ay kala cadaato in Madaxweyne Axmed Siilaanyo shirka ka qeyb galeyo iyo in kale.
Shirka London lagu qabanayo bisha May waxa si wada jir ah u wada guddoomindoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raiisul wasaaraha Britain.
Waana sababtaa ta ay Somaliland madax iyo shiciba ku micneeyeen diidmada ka qaybgalka shirkaasi.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com