Britain Oo Walaaca Kooxda ISIS Darteed ku Dhawaaqday Feejignaan Heersare ah
London:Aug,30,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday feejignaan heersare ah oo lagu muujinayo Suurtagalnimada weeraro dalkeeda kaga yimaadda Kooxaha ISIS.
Waxaa sare loo qaaday heerka suuragalnimada ee in uu weerar ka dhaco gudaha Britain, taasoo muujineysa cabsida dowladda eek a iman karta kooxda Awoodda badan oo ay ku badan yihiin muwaadiniin dalka Britain u dhashay.
Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa sheegay in kooxda la magac baxday khilaafada Islaamiga ah ay ammaanka Britain kaga khatar badan tahay dhammaan ururada kale ee adduunka ka jira.
Ma aanu sheegin ra’iisul wasaaraha waxa ay tahay khatarta gaarka ah ee hadda u muuqata, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay si caadi ah u wataan hawl maalmeedkooda.
Mr Cameron ayaa ballan qaaday in la sameyn doono sharci xakameeya dadka Britishka ah ee u dagaallama kooxaha dibeda ka jira, isla markaana laga qaadi doono baasaboorada.
Dhawaan waxa muuqaallo laga dhex arkay Nin ku Hadlayey lahjadda British-ka oo madax ka jaraya wariye Maraykan ah, waxana arrintaasi walaac gelisay Bulshada caalamka oo ay ugu horreeyaan Shacabka Reer Ingiriis.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com