|

Britain oo shaacisay ujeedada shirka ay Soomaalida u qabaneyso

New York Feb 17,2012(qurbejoog.com/dailystar)-Dawlada dalka Britain ayaa damacsan in ay Beesha caalamka iyo Soomaalidaba ka iibiso qorshe cusub oo isugu jira mid ciidan iyo mid siyaasadeed oo culeyska ku siyaadin doona kooxda Al Shabaab isla markaana gacan adag ku qaban doona burcad badeeda,sidaa waxa lagu yidhi warbixin ay daabacda jariirada The Dailystar oo Britain ka soo baxda.

Safiirka Britain ee Qaramada Midoobey Mark Lyall Grant ayaa sheegay in khubarada Gollaha Amaaku haatan ku hawlan yihiin diyaarinta qaraar lagu sharciyeynayo kordhinta ciidamda AMISOM oo lagu gaadhsiinayo tiradooda 17 kun oo askeri.

Saraakiisha QM ayaa qaba in qaraarkan la ansixin doono ka hor inta aanu furmin shirka Britain ay Soomaalida u qabaneyso ee London ka furmaya 23ka February.

Shirka oo lagu wado in ay ka soo qeybgalaan dhinacyada siyaasada Soomaalida iyo in ka badan 40 wadan oo ka socda caalamka ayaa qorshaha cusub ee UK lagu soo bandhigi doonaa.

Safiirka Britain ee QM ayaa sheegay in dawladiisu shirkan qabaneyso ka dib kolkii ay soo baxday fursad ka dhalatay guulaha ciidan ee bilihii danbe la gaadhay.

“waa in beesha caalamka lagu booriyaa sidii qorshe wada jir ah  oo siyaasadeed,amni,la dagaalanka argegixisada,burcada iyo kaalmo biniaadanimo loogu dejin lahaa Soomaaliya,markii u horeysay mudo 20 sanadooda ah” ayuu yidhi Mr Grant.

Saraakiisha QM oo aan dooneyn in magacooda la shaacio ayaa sheegay in ciidamada dalalka Kenya iyo Itobiya ee iminka ku sugan guddaha Soomaaliya ayaa ka mid noqonaya AMISOM.

Soomaalida ayaa dereen xasaasi ka qabta danaha ay dalalka jaarka la ahi ka leeyihiin dalka Soomaaliya,isla markaana ay dhici kartaa in Soomaalidu ka hortimaado ciidamada AMISOM hadii Itoobiya iyo Kenya lagu biiriyo.

Qurbejoog-New York
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed