Britain oo shaacisay in ciidamadeedu ka hawlgalayaan Soomaaliya
Nairobi Mar11,2012(SDN)-Dawlada Britain ayaa u dirtay ciidamadeeda commandoska si ay gacan u siiyaan ciidamada Kenya ee sanadkii hore galay dalka Soomaaliya.
Xogtan ayaa soo baxaysa todobaad ka dib kolkii uu xeer ilaaliyaha guud ee dalka Britain Dominic Grieve faray ciidamada Britain in ay weeraraan xarumaha brcad badeeda ee Soomaaliya.
Ciidamada Britain ayaa bartilmaansanaa madaxda Kooxda Al Shabaab oo kolka ay meel ku hubsadaan dalbanaya weeraro cirka ah oo ay hagayaan.
Xildhibaan Patrick Mercer oo ka tirsan xisbiga Toryga ee Britain ayaa sheegay in Soomaaliya tahay goob ay ciidamada Britain ka hawlgalayaan mudooyinka ina haa.
Britain ayaa ay isu raaceen walaac ay ka qabto Burcada Soomaalida ee baddaha ka qowleysata iyo xagjiriin dalkeeda ka tegay oo Soomaaliya u Jihaad tegay.
“wax qarsoon ma aha in argegixiso Britain bar tilmaansaneysa in lagu tabababaro Soomaaliya”ayuu yidhi xildhibaan Mercer.
Ciidamada Britain ee commandosta ah ayaa kaashanaya kana barbar dagaalamaya ciidamada Kenya ee ku jira guddaha Soomaaliya.
SDN-Nairobi