Britain oo muwaadiniinteeda uga digtay in ay booqdaan Kenya
London Jan 08,2012(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Britain ayaa maanta soo saartay digniin hor leh oo ay u jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya iyo kuwa damacsan in ay dalkaa booqdaan.
Ciidamada amaanka ee Britain ayaa in dhawaalaba gacan ka siinayay Kenya sidii loo dabar goyn lahaa xubno ka tirsan argegixisada caalemiga ah oo looga shakisanaa in ay damacsan yihiin in ay weeraro ku qaadaan goobo Kenya ku yaal.
Ciidamada Scotland yard ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan qaar ka mid ah weeraro qorsheysnaa balse waxa ay sheegeen in ay weli jiraan tiro xagjiriin ah oo Kenya ku sugan isla markaana damacsan in ay weeraro dhawaan qaadaan.
Scotlandyard waxa ay ugu baaqeen muwaadiniinta dalkooda u dhalatay in ay ka feegjignaadaan booqashada xeebaha,goobaha caweyska iyo kuwa laga dukaameysto.
Waxa ay Britain sheegtay in ay dhici karto dhawaan in kooxaha xagjiriinta ah ee dalkaasi ku dhuumaaleysanaya in ay fuliyaan weeraro lagu hoobto.
Kenya ayaa intii ka danbeysay farogelintii ay ku sameysay Soomaaliya waxa la soo gudboonaaday weeraro ay kooxo xagjiriin ahi ka geysanayeen guddaha dalkaasi.
Qurbejoog-London