|

Britain Oo Ku Dhawaaqday Inaan Laga Noqon Doonin Tallaabadii Qaadka Dalkaas Lagaga Mamnuucay

London:25-March-2014(SDN)- Dowladda Dalka  Britain ayaa  Ugu dambayntii Soo Saartay Go’aan Rasmi ah oo la Xidhiidha Mamnuucidda Qaadka oo Dalkaas laga Joojiyey.

heagBritain ayaa Sheegtay in ay dhawaan meel marineyso go’aan dalkeeda ay uga mamnuucayso ka Ganacsiga Maandooriyaha Qaadka oo inta badan ay dadka Somalida ah ee Halkaas Ku Nooli si weyn ugu tiirsanaayeen Cunistiisa iyo ka Ganacsigiisaba.

 

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Dalka Britain, Therasa May ayaa sheegtay in go’aanka looga joojinayo Qaadka Dalka Britian uu yahay mid aan laga noqonayn, taasi oo Jawaab u ah Dacwad ay soo jeediyeen Dadka ka Ganacsada Qaadka oo Dalbaday in laga Noqdo.

 

Bishii November ee Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxday in Dowladda Kenya ay maal-galisay Dacwad ka dhan ah Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Ingiriiska Theresa May, oo iyadu Calanka u sida mamnuucida Ingiriiska ee qaadka ama miiraha oo Kenya dhaqaale badani ka soo Geli jirey.

 

Dacwaddan oo uu bilaabay Maxamuud Axmed Maxamed, oo ah ganacsade qaad oo London daggan, ayaa sheeganaya in mamnuucidu ay ku xad-gudbayso xuquuqda banii’aadamka ee qaad cunayaasha.

 

Xukuumadda Kenya ayaa dacwaddan ku bixinaysa 5.5 milayn shilin ($65,000), iyada oo Gobalka Meru–oo ah meesha qaadka ugu badan ka soo go’o Kenya–uu bixinayo 2.1 milayn shilin ($24,000) oo dheeri ah.

 

Qaadka waa “qayb soo jireen ah ka ah hiddaha iyo dhaqanka bulsho,” ayaa lagu qoray dacwadda.

 

“Go’aanka ayaa ka hor imaanaya xuquuqda ku qoran Qodobka 14-naad ee Axdiga Yurub ee Xuquuqul Insaanka, kaa soo sheegaya in aan qofna lagu faquuqin xaqiisa ah soo bandhigida dhaqanka iyo caadada jinsigiisa marka uu dadkiisa ku dhax jiro.” Ayaa sidoo kale lagu qoray Dacwaddan.

 

Hadalka Therasa May iyo Warbixintii Shalay lasoo saaray ayaa Dariiqa u baneynaya Mamnuucida Maandooriyaha Qaadka.

 

Qiimaha Qaadka ay Kenya u dhoofiso Ingiriiska ayaa lagu qiyaasay in uu la egyahay 2 bilayn oo Shilin ($24 Milyan) Sannadkiiba.

Sidoo kale waxa Dacwaddan si weyn u dhawrayey Kumanaan Soomaali ah oo ku Nool Britain, kuwaas oo ay jiidatay Cunista Qaadku.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed