Britain oo ka digtay amaanka Kenya
Nairobi Jan 25,2014(SDN)-Safaarada Britain ee dalka Kenya ayaa war ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda dalkaa booqanaya heerka amniga ee dalkaasi.
Digniintan ayaa Safaarudu sheegtay in ay la xiriirtodil guddaha Soomaaliya ay ciidamada Kenya uGu geysteen qaar ka mida madaxda Shabaabka.
Qoraalka Safaarada Britain ee Nairobi waxa lagu xusay falal ka dhan ah amniga oo isku dayo u badan oo isa soo taray oo ka dhacay Nairobi iyo degaan xeebeedka dalkaasi.
Qoraalka ayaa loogu sheegay muwaadiniinta Britain in ay yeeshaan feejignaan dheeri oo ay uga digtoonaanayaan bar tilmaansi.
Sidoo kale waxa qoraaalka lagu xaqiijiyay suurtogalnimada weera aan la hubin xiliga uu dhacayo oo qorsheysan.
Dawlada Kenya ayaan dhankeeda wax war ah ka soo saaarin qoraalka digniinta ah ee safaarada Britain ka soo saartay amniga dalkooda.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com