Britain Oo Hal Million Oo Dollar Siinaysa Nin 13-Sano Ku Xidhnaa Guwantanamo Iyo Sababaha Keenay
London:Feb,09,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Britain, ayaa ballanqaaday inay Lacag dhan Hal million oo Dollar siin doonto Nin Haysta Dhalasada Dalkeeda oo muddo dheer ku jirey Xabsiga Guantamo Bay.
Muwaadinkan oo magaciisa lagu sheegay Shaker Aamer oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Sucuudiga, ayaa hore ugu noolaan jiray dalka UK, wuxuuna sanadkii 2001 u guuray dalka Afghanistan isaga iyo qoyskiisa. Wuxuuna sheegay inuu halkaasi iskuul ka furay.
Balse Maraykanka oo ninkan kasoo qabtay dalka Afghanistan ayaa ku eedeeyey inuu kamid yahay Al Qacida, isla markaana uu tarjumaan u ahaa Osama Bin Ladin, waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu yaqaan sida bambaanoyinka loo sameeyo, ninkan ayaa la sheegay inuu xidhiidh dhaw la lahaa xubnaha Al Qacida ee ku sugan dalalka Maraykanka iyo UK.
Raysalwasaaraha UK David Cameron ayaa bishii lasoo dhaafay ee January, dowlada Maraykanka ka codsaday in ninkan lasii daayo. Maraykanka ayaa ogolaaday inuu siidaayo muwaadinkaasi.
Lacagta Magdhawda ah oo lasiinayo ninkan maxbuuska ku ahaa 13 sano xabsiga Guwantanamo ayaa ah mid dowlada UK dooneyso inay uga hortagto in ninkaasi markii lasoo daayo uu maxkamada la tiigsado dowlada UK oo markaasi ku khasbanaan karta inay faah faahiso qaabka ay sirdoonkooda ulla shaqeeyaan Maraykanka.
Dowlada UK ayaa hore sidan oo kale lacago u siisay maxaabiistii uu dhashay UK ee hore looga soo daayey xabsiga Guwantanamo, wallow Shaker Aamer uu yahay muwaadinkii Ingiriiska ee xiliga ugu dheer u xidhnaa xabsigaasi Maraykanka maamulo.
SDN/QJ