Britain Oo Diyaaradaheeda Dagaalka Kicisay, Kadib Markii La Arkay Kuwa Ruushka Oo Hawadeeda Soo Galay
London:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Briatain, ayaa Hal mar kicisay Diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii ay Hawadeeda ku aragtay diyaaradaha wax duqeeya ee dalka Ruushka.
Goobaha lagu arkay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka, ayaa waxa kamid ah meel wax yar u jirta xeebta Cornwall ee koonfur galbeed England, waxana markii xaalad sare la geliyey diyaaradaha dagaalka ee dalka Britain.
Wasaaradda difaaca ee London ayaa sheegtay in diyaaraduhu ay Hawada Heehaabayeen, ilaa iyo inta ay ka baxayeen hawada Britain kuwii dalka Ruushku lahaa.
Dhacdadan ayaa timid kadib markii wasiirka difaaca, Micheal Fallon, uu ka digay khatarta muuqata ee madaxweynaha Russia, Vladimir Putin, ku yahay sadexda dal ee la isku yidhaahdo Baltic-ga.
Dalalkaasi oo Nato ka tirsan hadalka Fallon uu muujinaya walaaca sii kordhaya ee dalalka Nato ee ku saabsan xiisadda bariga Ukraine.
Ruushka ayaan isagu wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdadan, waxana sii murgaya xidhiidha Nato iyo Russia, iyadoo la isku afgaran la’yahay Arrimaha Waddanka Ukrain oo sii qasmaya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com