Britain oo codkeeda ku biirisay dhaleeceynta Iran
London Feb 18,2012(qurbejoog.com)-Xoghayaha arimaha debadda ee dalka Britian Mr william Heag ayaa maanta ku tilmaamay barnaamijka Neuclier-ka ee dalka Iran mid u horseedaya dawladaha gobolka inay ku beretamaan samaynta hubka Neuclierka ah.
Mr Heag waxa uu xusay in talaabooyinka Iran qaadaysaa ay horseedi doonaan inuu bariga dhexe galo dagaalkii qaboobaa ee dunida ka taagnaa qarnigii hore, halka sidoo kalena uu tibaaxay inaanay lagama maarmaan ahayn in xoog lagu burburiyo quwadda Nuclier-ka ee Iran, laakiin la raadin karo xal nabadgelyo.
Dawladaha reer galbeedka ayaa badankoodu door bidaya in cunaqabataynta lagu sii kordhiyo Iran tan & inta ay ka cadaynayso barnaamijkeeda Nuclier-ka, baaqyadan kala duwanina waxay soo baxayaan xilli ay Iran dhankeeda todobaadkan gaadhsiisay wadamada Yurub sida ay diyaarka ugu tahay in xal nabadgelyo lagu dhameeyo xiisadda ku aaddan barnaamijkeeda quwadda Nuclier-ka
Qurbejoog-London