|

Britain: Jaamacad Baabiisay Goob Ardayda Islaamku Ku Tukadaan !

London 23. May 2017 (SDN/QJ):- Mid Ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Dalka Britain ayaa kusoo rogtay Ardayda Islaamka ah ee wax ka barta in aanay Sallaada ku dhex tukan Karin.

Go’aanka  Jaamacadu kaga joojisay Ardayda Islaamka ah inay ku dhex tukadaan jaamacadaasi ayaa waxa si toos ah loo dareemay markii la baabiiyay goobtii ay ardaydaasi Sallaada ku tukan jireen, balse Ardayda Islaamka ah ee Wax ka barata Jaamacada East Angila ayaa maalintii Jimcihii ku tukaday Barxada wayn ee Jaamacadaasi iyaga oo muujinayay inay ka cadhoodeen go’aankan Jaamacadu ku baabiisay goobtii ay ku tukan jireen.

 

Tirada Ardayda Islaamka ah ee wax ka barata jaamacadaasi ayaa lagu sheegay ilaa iyo 600 oo arday Afhayeenka ardaydaasi oo ka hadlay arrintan ayaa waxa uu yidhi “Arrintani waxay nagu noqotay yaab iyo amakaaga oo maanu filaynin tallaabo noocan oo kale ah haddii goobtaasi loo baahday in wax lagu qabsado Jaamacadu iyadaa ka masuul ah inay noo rarto goob kale oo aan Sallaada ku gudano”.

Sida lagu soo bandhigay Saxaafada The Independent ayaa intaasi ku dartay in ardaydu sheegeen inay bishii Ramadaan soo dhawaatay oo ay lagama maarmaan tahay in la helo goob ay Sallaada ku tukadaan arrintaasina ay uga fadhiyaan Jaamacada iyo Maamulkeeda.

Comments are closed