|

Britain iyo Somaliland oo maalmihii ina dhaafay hawada isumariyay eedo

London Dec 04,2011(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Britain iyo xukuumada Somaliland ayaa in dhawaalaba saxaafada isu marinayay hadalo aan looga badhan labada dhan in ay isweydaarsadaan.

Wasiirka wasaarada Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa todobaad ka hoe saxaafada u sheegay in Britain aaney daacad ka aheyn sheegashadeeda ku wejahan gacan siinta qadiyada Somaliland.

Wasaarada Britain u qaabilsan arrimaha dibedda ayaa taa uga jawaabtay in wax dalab ah ama warbixin ah oo ku saabsan dedaalka ictiraafsoonka Somaliland aaney helin mudada sanadka ah ee ay xukumada cusubi jirtay.

Shalayna waxa saxaafada lagu arkayay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Md Maxamed Cabdilahi Cumar oo ka deyrinaya shirka Britain ay u qabaneyso Soomaalida.

Wasiirka oo hore u shaaciyay in uu ka qeybgalayo shirkan oo uu iclaamiyay reysul wasaaraha Britain ayaa iminka u muuqdaa in  uu ka noqdey mowqifkiisii hore.

Xeldhereyaasha ayaa arrinkaa ku micneeyay mid ka turjumaya siyaasada xukuumada Somaliland ee ku wejahan gooni isutaaga oo aan fadhiyin.

Si kastaba ha ahaatee Britain waxa ay ka mid tahay dalalka faro ku tiriska ah ee cilaaqaadka wanaagsan la leh Somaliland,hadii xurgufi timaado waxa ay culeys aaney xamili karin ku noqoneysaa xukumada Somaliland.

 

Qurbjoog-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed