|

Britain iyo Ruushka oo kawada hadlay Arrimaha Soomaaliya

Lodon March 17 2013 (SDN)— Wasiirada arimaha dibada iyo kuwa Difaaca dowladaha Ruush iyo Britain ayaa kulan ka yeeshay xaaladaha kala duwan ee ka jira wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay oo qaarkood laga sheegayo xaalado adag.

Wasiirka arimaha dibada dalka Ruushka iyo xoghayaha arimaha dibada Ingiriiska William Hague oo is wadajir ah u kulmay ayaa si weyn kulankooda waxay kaga hadleen xaalado wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay,iyagoona sheegay inay muhiim tahay in labada dowladood ay iska kaashadaan sidii loo xoojin lahaa tageerada Soomaaliya.

“Waa muhiim in la ogaado xalka Soomaaliya,waxaa qasab nagu ah in si wadajir ah iskala shaqeyno xoojinta xiriirka Soomaaliya,waxaana ku xaajoonaynaa sidii xasilooni iyo Nabad loogu Soo dabaali lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Hague.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray xoghayaha arimaha dibada Britain inay soo dhaweynayaan talaabo kasta oo taageero loogu raadinayo Soomaaliya oo haatan u muuqata mid ka soo kabsaneysa diiftii iyo dagaalkii soo maray.

Wadahadalka oo ka dhacay Magaalada London ayaa dhanka kale waxaa jira dadaalada ay qeyb ka yihiin Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Raysal wasaaraha dalka Birtain David Cameron,kuwaasi oo ay qeyb ay ka qaadanayaan sidii Soomaaliya loo caawin lahaa.

Waxay tilmaameen mas’uuliyiinta in Soomaaliya oo mar u muuqatay wadamada ugu qatarta badan haatan laga dareemayo neecawda nabada.

Ugu danbeyntii waxay si wadajir ah u balan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa Soomaaliya islamarkaana loo gaarsiin lahaa mashaariicyo kala duwan ay dadka ka faaii’deystaan.

Wadamada kale ee laga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladaha Siiriya,Yemen,iyo Suudaan.

SDN

Comments are closed