|

Britain: Cadar Sabab U Noqday Dhimashada Gabadh Dhallinyaro Aheyd !

London 06. April 2017 (SDN/QJ):- Wargeysyada Dalka Britian ayaa baahiyey in gabadh dhallinyaro ahi Cadar ay marsatay ugu geeriyootay Magaalada Lancashire, Cadarkaasi oo si xad dhaaf ah ay uga qaadatay Sanka markii jidhkeeda marinaysay, Cadarkan oo ahaa nooca Dhiddid Baabiiyaha ah ee jidhka la mariyo ayaa sabab u noqday dhimashada gabadhaasi.

Dhinaca kale, Wargeyska Daily Mail oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa uu soo bandhigay in Waalidka dhalay gabadhan la kulmeen iyada oo jiifta Sarriirta isla markaana aan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn bishii July ee Sanadkii hore, waxaanay geeriyootay laba Saacadood kadib markii la baadhay, dhinaca kale Dhakhaatiirta baadhay Meydka gabadhan ayaa waxay sheegeen in si xad dhaaf ah ay Sanka ugu qaadatay Qolkeeda oo xidhan oo ay isku shubtay awgeed, waxaana Sabab u ahaa Maaddada loo yaqaan Aerosol halkaasina ay ku geeriyootay gabadhaasi oo la odhan jiray Big isla markaana Da’deedu ay ahayd 12 jir.

Dhakhaatiirta Dalka Britain ayaa si laxaad leh ugu digay Neefsashada xad dhaafka ah ee Cadarka, kaasi oo ay ku jiraan Maaddooyin badan oo Chemical ah.

Comments are closed