|

Briatain oo looga Ololeynayo in Deeqihii Soomaaliya loogu yaboohay in la Siiyo dadka Britain ku nool ee fatahaaduhu saameeyeen

London Feb 24,2014(SDN)-Dalka Britain ayaa waxa ka biloowday olole la doonayo in dawlada dalkaasi ay joojiso bixinta deeqaha loogu talo galay dalka Soomaaliya isla markaana lacagtaasi loo weeciyo gacan qabadka dadkii ku waxyeeloobay roobabkii fatahaadyada sababy ee Britain.

Ololahaan ayaa sii xoogeytay kolkii ay QM soo saareen warbixin tibaaxeysay in dawlada Soomaaliya ay hub siisay kooxda Al Shabaab oo inta badan reer Galbeedku ku biiriiyeen diiwaanka kooxaha Argegisiada caalamka.

Jariirada The Dailly Mail ee ka soo baxda Britain oo u ololeyneysa in dawlada Soomalaiya aan la siin lacag ka badan 90 million oo bound ayaa ilaa haatan ururisay in ka 290 kun oo cod.

Ololahan ayaa isbar bardhig ku sameynaya lacagaha la siiyo dawlada Soomaaliya ee u gudbi kara Al Shabaab iyo gacan qabad la siiyo shicibka Britain ee fatahaaduhu khasaaraha ka soo gaareen.

Dawlada Britain ayaa sheegtay in deeqaha ay Soomaaliya siiso ay sii mariso hay’ado caalemi ah si aan lacagtaasi u gelin gacanta masuuliyiinta Soomalaiya ee musuqa ku caanka baxay iyo kooxaha argegixisada ah.

Warbixinta kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey ayaase sheegay in Shabaabku ay lacago faro badan oo baada ka qaadan hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala degaanada Shabaabku ka arimiyaan.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Soomaaliya ayaa weerarkii madaxtooyada lagu qaaday jimcihii iyo warbixinta QM ee sheegtay in dawlada Soomaaliya ay hub siisay kooxda Al Shabaab ayaa ah qodobo Fashil ah oo dib u dhac ku keenaya rabitaankii dawladnimo ee Soomaalida.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed