|

Brazil oo isu soo baxyo Rabshada wataahi Ruxeen

Brasilia June 19,2013(SDN)-Magaalooyinka waaweyn ee dalka Brazil ayaa lagu arkay isu soo baxyadii ugu waa weynaa ee dalkaasi lagu arko mudo dheer.

Isu soo baxyadan u danbeeyay ayaa looga cabanayaa Gawaarida shacabka daabula oo qiimahooda sare loo qaaday,Caafimaad,waxbarasha iyo amni xumo.

Shacabka reer Brazil ayaa isu soo baxyadii u badnaa dhigay iminka ka hor xili ay iska tuurayeen xukuumado keli talis ahaa oo sanadihii 1964-1985tii dalkaa ka ariminayay.

Caasimada Brazilia ayaa dad isugu soo baxay aqalka baarlamaanka oo markii danbe isku deyay in ay aqalka xoog ku galaan ayaa boolisku rasaas ku kala direen.

Dalka Brazil ayaa aduun aad u badan ku bixiyay u diyaargarowga martigelinta ciyaaraha aduunka ee xagaagan dalkaas lagu qabanayo.

Diyaargaroowgaas ayay dadkan careysani sheegeen in ay culeys dhaqaale ku keentay adeegyadii dawladeed.

SDN-Brasilia

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed