Borama: Marwadii Xukuumaddu Xoogga Kagala Wareegtay Ubadkii ay Ku Soo Tacabtay Oo Xarun Cusub Ka Dhagax Dhigtay Halkaas
Borama:22-Nov-2013(SDN) -Waxa maalintii shalay magaalada borama ee xarunta gobolka awdal si weyn loogu soo dhawayey hooyada samafal caruurta darbajiifta somaliland haldoor luul xasan mataanXaruntii Derbi-jiifka Hargeysa oo ay ku xannaanayn jirtey ubad yaryar.
Maamo Luul ayaa lagaga Horyimi dila ee ka tirsan gobolkan awdal iyada oo ay halkaasi ay ku sugnaayeen Kumanaan qof oo isku soo baxay soo dhawaynta hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland.
Marwo Luul Xasan Mataan, ayaa loo Soo magaalada borama iyada oo ay wadada hareeraheeda ay ku sugnaayeen bulsho aad uu tiro badan oo lulayey caleemo goyan, islamarkaana muujinayey qaddarinta ay hayaan maamadan mudan sharafta iyo qiimaynta..
hooyada samafal caruurta darbajiifta Somaliland haldoor luul xasan mataan ayaa waxa ay dhagax dhigtay xarun lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta somaliland oo ku taal galbeedka borama iyada oo ay sheegtay haldoor luul xasan mataan xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ay tahay mid ay uu baahan yihiin xarunta darbajifta madaama ay yihiin caruurteenii..
qaar ka mid xildhibanada golaha deegaanka oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin imaatinka haldoor xasan mataan isla markaana ay tilmaameen in ay si mug leh looga qayb qaato dhismaha xarunta cusub ee Loo dhisayo Caruurta Darbijiifka
sidoo kale qaar ka mid ah Ubadka Darji-jiifka ku ah Suuqyada Magaalada Borama oo Warbaahintu wax ka Weydiisay imaatinka Luul Xasan, ayaa sheegay in ay gacmo furan ay ku soo dhawaynayaan isla markaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin xarunta cusub ee ay dhagax dhigtay ee lagu xanaanayn doono caruurta darbajifta.
S.D.N