Boqortooyada Sucuudiga oo Wax Lagu Qoslo ku Tilmaantay inay Isu soo dhawaadeen Dalka Iran!!
London 07. September 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Sacuudiga ayaa beenisay wax kama jiraana ku tilmaantay hadal warbaahinta Caalamka dhawaan baahiyeen oo ku aadanaa in ay isku soo dhawaanayaan Xukuumada Sacuudiga iyo tan Iiraan.
Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al-Jubayr oo Warbaahinta kula hadlay magaalada London ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal haynta ah in ay suurto gal tahay in Sucuudiga iyo Iran isku soo dhawaanayaan.
Waxa uu sheegay Wasiirka in xariirka diblomaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Iiraan dhax maray kaliya uu ku koobnaa agaasinka arimaha xajka, waxa uuna meesha ka saaray in ay Iiraan kawada hadleyn arimo kale oo siyaasad la xariirta.
” Waa wax lagu qoslo warka meelaha lagu baahiyay , “marka arimaha Xajka laga hadlayo Sucuudigu ma siyaasadeeyo arimahiisa, taas macnaheeduna ma aha soo noqoshada xiriirkii aan la laheyn Iiraan” Ayuu yiri Caadil Al-Jubayr.
Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga ayaa carabka ku dhuftay inay waajib ku tahay dowlada Iiraan marka hore ay siyaasadaheeda bedesho hadii ay doonayso in ay isku soo dhawaadaan dibna usoo laabto xariirkooda.
Warbaahina Caalamka ayaa dhawaan baahiyay war ku aadanaa in uu soo hagaagayo xariirka u dhaxeeya dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan ayna labada dhinac is dhaafsadeen wafdi diblumaasiyiin ah oo ka shaqeeya isku soo dhawaanshaha.